Midowgga Africa oo sheegay in ay askar kaga dhinteen weerarkii Xalane

by admin | Friday, Dec 26, 2014

Muqdisho : HN :– Taliska sare ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu ka soo saaray weerarkii shalay lagu qaaday xaruntooda ugu weyn ee Xalane magaalada Muqdisho, waxaa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku waayeen ilaa saddax askari.

War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada soo weeraray xerada ay xirnaayeen dareyska ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo isku dayay inay gudaha u soo galaan xarunta.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in dableyda hubeysan ay muddo saacado kooban ay kuAMISOM_Force_in_Somalia gadaamanaayeen xarunta, balse intii aanay soo gaarin meelaha muhiimka ahaa laga hor tagay.

War saxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidikou ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah ciidamada AMISOM iyo qof rayid ahaa oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka AMISOM ay weerarkaas ku dhinteen iyo shan ka mid ah dableydii hubeysneyd.

Maman Sidikou ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay dib ula wareegeen ammaanka xerada, xaaladana ay sidii hore ku soo laabatay, waxaana uu xusay inay nabad qabaan shaqaalihii AMISOM iyo kuwa UN-ka ee xerada ku sugnaa.

Ilaa iyo hada waxaa adag in la helo macluumaad ku saabsan weerarka lagu qaaday xarunta Xalane, waxaana saacadihii u dambeeyay ka soo baxayay warar kala duwan, waxaa gebi ahaanba xiran wadada gasha Air Porka, iyadoo wariyeyaasha loo diiday inay ka ag dhowaadaan si ay warbixino uga helaan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!