Midowgga Africa oo soo dhaweeyay magacaabistii Cumar C/rahiid

by admin | Thursday, Dec 18, 2014

Muqdisho : HN :–Wakiilka  midowgga Africa ee Soomaaliya danjire Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay magacaabista ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo uu madaxweynaha Somalia ku dhawaaqay magacaabistiisa Arbacadii shalay.

“Magacaabista Cumar C/rashiid waa tallaabo wanaagsan oo mar kale ay horay u qadday Somalia, innagoo filayna inay noqoto mid qayb weyn ka qaadata horumarinta hay’adaha dalka,” ayuu yiri danjire Maman Sidikou.

Danjiraha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Sharma’arke uu horay u soo maray xilka ra’iisul wasaaraha sannadihii 2009 illaa 2010,Sharma'arke uuna khibrad iyo waayo-aragnimo durugsan u leeyahay howsha loo xil-saaray.

“Waxaan rajeynayaa inuu si wanaagsan shacabkiisa ugu adeegi doono, sidoo kalena uu la shaqeyn doono Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo howl wanaagsan kawada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Sidikou.

Si kastaba ha ahaatee, Sharma’arke ayaa bedeli doona ra’iisul wasaarihii kalsoonida ka waayay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ra’iisul waasaraha cusub haddii uu ka helo kalsoonida baarlamaanka uu markaas si rasmi ah u bedli doono C/weli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Cumar C/rashiid ay wada-shaqeyn karaan muddada dowladdiisa u dhisman, uuna ka rajeynayo howl ka maran musuq-maasuq.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!