Midowgga Yurub oo ciidammo dheeraad ah u tababaraya dowladda Soomaaliya

by admin | Friday, Nov 28, 2014

Muqdisho : HN :–Saraakiisha midowgga Yurub ee dowladda Soomaaliya ka caawiya dhinaca tababarada ayaa waxaa ay sheegeen in sanadka 2015 Soomaaliya u tababarayaan ciidammo kale oo dheeraad ah.

Saraakiisha tababarka bixinaya ayaa sheegay in inkastoo amniga Muqdisho uu halis yahay haddana ay qorsheynayaan in ciidammo 12,00 oo askari ah ay Muqdisho ku tababaraan sannadka soo socda.

Tababarayaasha Midowga Yurub ee Somalia ku sugan oo tiradooda ay tahay 128 sarkaal ayaa 11 koorso oo ay ku tababareen 1,150 askari Muqdisho ku qabtay, iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay 250-askari oo kale u soo xiraan tababar dhowr bilood u socday.

“Waxaan qorsheynaynaa inaan sannadka soo socda u tababarno Soomaaliya 1,200 oo askari oo dheeraad ah, inkastoo ammaankayuruv Muqdisho uu xilligaan yahay mid halis ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Midowga Yurub wabaahinta ugu  sheegay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Sarkaalka u hadlayay tababarayaasha midowgga Yurub ayaa sheegay in  hadafkoodu uu yahay inay tababaraan ciidammo Soomaali ah oo ku filan ka hortagga weerarrada ay Al-shabaab ku soo qaadayaan goobaha ay dowladdu ka taliso.

Ururka Midowga Yurub ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay tababaro siinayay askar ka tirsan milateriga Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil loogu talo-galay inay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Somalia ayaa dhankeeda sheegtay inay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay ku dhisi lahayd ciidamadeeda una qalabeyn lahayd, si ay u noqdaan kuwa ugu horreeya ee uu ammaanka dalku ku tiirsan yahay.

Somalia ayaa haatan waxaa ku sugan 22,000 oo askari oo ka socda dalal ka tirsan kuwa Afrika oo ay ku jiraan waddamada dariska la ah Soomaaliya sida Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo dowladda ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!