Midowgga Yurub oo durbaba oo dhaweeyay ansixinta ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid

by admin | Wednesday, Dec 24, 2014

Muqdisho : HN :– Wakiilka midowgga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervone d’Urso ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan tallaabada baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku ansixiyay ra’iisal wasaaraha dhawaan la magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

War-saxaafadeedka ayaa siddoo kale lagu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay la sameeyay horumar, iyadoo 20-bilood ay ka harsan tahay xilliga la qorsheynayo in Soomaaliya doorasho ka dhacaan sanadka 2016, isla markaana howlaha dhiman ay culus yihiin, iyadoo ay u baahan yahay ka mira dhalinta hogaan ay ka go’an tahay xilkasnimo

“Waxaan ku dhiira gelineynaa dhammaan danleyda siyaasadda in ay si wada-jir ah ugu istaagaan sidi loogu hayn lahaaMichele-Cervone-d’Urso horumarka waddada, Tani waxay fursad siineysaa qaab la aamini karo ee uu Midowga Yurub iyo saaxibada kale ee caalamka ay sii wadaan taageerida soo kabashada iyo horumarka Soomaaliya”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu la shaqeyn doono dowladda cusub ee la soo dhisi doono, si niyad iyo iskaashi dhab ah.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!