Midowgga Yurub oo shir ka yeellanaya qul qulka tahriibayaasha

by admin | Thursday, Apr 23, 2015

Muqdisho : HN :—Madaxda midowgga Yurub ayaa la filayaa in maanta gelinka dambe ay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Brussels, iyagoo ka wada hadlaya qul qulka dadka muhaajiriinta ee naftooda ku soo biimeya Badda Mediterranean-ka, si ay Yurub u gaaraan.

Shirka oo ah mid deg deg ah ayaa looga wadda hadlli doonaa, sidii loo xakameyn lahaa qul qulka faraha badan ee muhaajiriinta, waxaana la filayaa in Madaxda Midowga Yurub ay tallaabooyin isla meel dhigaan.

Tallaabooyinka ayaa waxaa ku jira in Ciidamada Milateriga Midowga Yurub ay ka qeyb sidii looga hortagi lahaa tahriibayaasha, ka horcalanka-yurub3 inta aanay Badda Mediterranean-ka soo gaarin.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa ka codsaday Midowga Yurub in la isticmaalo awood lagu bur burinayo doomaha ay isticmaalaan dadka wax tahriibaha ka hor inta aysan shiraacan.

In ka badan 800 oo qof ayaa todobaadkan ku geeriyootay Badda Mediterranean-ka, kadib markii ay la degtay Doon ay saarnaayeen, waxaana qul qulka dadka tahriibayaasha si aad ah uga qeyliyay Madaxda Midowga Yurub.

Labadii bil ee u dambeysay ayaa waxaa tobanaan kun oo muhaajiriin ah ay gaareen dalka Talyaaniga, kadib markii doomo ay ka soo raaceen xeebaha Libiya, Ciidamadda Badda Talyaaniga ayaa bad baadiyay ilaa shan kun oo muhaajiriin ahaa oo xaalad halis ah ku jiray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!