Midowgga Yurub oo soo saaray go’aan ka dhan kooxaha dadka tahriibiya

by admin | Tuesday, May 19, 2015

Brussels : HN :– Ururka midowgga Yurub ayaa wadda qorshe lagu sameynayo Ciidan Badda ah oo la dagaalama kooxaha wax tahriibiya, iyadoo saldhiga Ciidankan ay noqon doonto magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Shir ay yeesheen Wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Midowga Yurub ayaa lagu ansixiyay qorshe cusub oo ka dhan ah qolyaha wax tahriibiya.

Madaxa siyaasada ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegay in howl gal uu xadidi doono qaabka ganacsi ee kooxaha waxTahriibayaal_la_badbaadiyay_Italy tahriibaya ay sida sharci darrada ah dadka ugu soo gudbiyaan Badda Mediterranean-ka, iyagoo adeegsanaya doomo waa weyn.

Ciidammada badda ee Midowga Yurub uu diyaarinayo ayaa waxaa hoggaamin doona Adm Enrico Credendino, oo u dhashay dalka Talyaaniga ahaana taliyihii howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad baddeeda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa xakameyn la’ muhaajiriin sharci darro ah, oo uga imanaya qaaradaha Afrika iyo Aasiya, iyaga oo si ay Yurub usoo gaaraan soo mara badda Mediterranean-ka.

Hiiraan Net

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!