Midowgga Yurub” waa in loo midoobaa dowlad dhisida

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Alexander Rondos oo ah wakiilka midowga Yurub u qaabilsan geska Afrika iyo danjiraha Midowga Yurub, Michele Cervone d’Urso, ayaa walaac ka muujiyay waxa ka dhaln kara xasilloonni darro siyaasadeed oo ka sii socota waddanka Somaaliya.

Midowga Yurub ayaa ku qaabay in la dhamaytiro dhisidda xukuumadda oo u baahan codka baarlamaanka si ay u shaqo billowdo xilli uu dhammaad yahay fadhiga baarlamaanku.

Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo baarlamaanka ayay ku booriyeen inay u midoobaan ujeeddada dalka lagu gaarsiinayo doorasho xor ah sanadkaAlexander-Rondos-620x264 2016-ka, ayadoo xukuumadda loo oggolaanayo in ay dalka ku hoggaamiso himiladaasi.

Waxay war ay soo saareen ku sheegeen midowga Yurub in la joogo waqtigii la dhammaystiri lahaa tallaabooyinka aasaaska u ah dowlad dhisidda, nabadda iyo dhamaystirka dastuurka dalka. Warkooda ayay ku sheegeen Midowga Yurub inay dadka Soomaaliyeed ku gacan siinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen hay’adahooda dowliga ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!