Militariga Nigeria oo soo badbaadiyay gabdho afduub lagu heystay

by admin | Wednesday, Apr 29, 2015

Abuja : HN :–Milateriga Nigeria ayaa shaaciyay in ay soo badbaadiyeen in ka badan 200 oo gabdho yar yar iyo 93 haween, kuwaasoo lagu heystay waqooyi bari dalkaas, halkaasoo ay ku dhuumaaleystaan Kooxda Boko Haram.

Gabdhaho aad u da’yar iyo haweenkan gaaraya 93 haween ayaa xilli ay ciidamada Milateriga Nigeria howl gallo wadaan laga helay Keynta lagu magacaabo Sambisa oo la rumeysan yahay inay tahay halka ay ku dhuuntaan Boko Haram.

Afhayeen u hadlay Milateriga Nigeria ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin in gabdhahan ay yihiin kuwii laga qafaashay magaaladagadho Chibok ee sanadkii hore.

Balse waxaa ay sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan gabdhahan iyo haweenka la bad baadiyay.
Sidoo kale Ciidamada Milateriga Nigeria ayaa bur buriyay ilaa saddex xero oo ay dhulka keymaha ku lahaayeen Boko Haram.

Milateriga Nigeria oo kaashanaya Ciidamada Niger, Cameroon iyo Chad ayaa bil ka hor bilaabay howl gallo ka dhan ah Boko Haram, iyagoo ka saaray magaalooyinka waqooyi bari dalkaas ee ay ku xooganayeen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!