Mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sh, oo loo gudbiyey gudoonka baarlamaanka

by admin | Thursday, Aug 13, 2015

Muqdisho ; HN; – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa waxa ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, mooshinkaasi oo loo gudbiyay Guddoonka sare ee Baarlamaanka dalka.

Documentiga Mooshinka lagu gudbiyay ayaa ka kooban sagaal Bog, waxaana diyaariyay XIldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Mooshinka Xildhibaanada ay gudbiyeen ayaa waxa ay u cuskadeen eedeymo ka dhan ah Madaxweynaha Somalia oo ku aadan Qaranimada dalka Somalia.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa gacanta loo geliyay Mooshinkan, waxaana wararku sheegayaan in laga yaabo inay Maxkamadda sare ee dalka u gudbiso, si ay u soo hubiso eedeymaha Madaxweynaha ay u jeediyeen Xildhibaanada, haddii ay soo xaqiijisana uu Baarlamaanka markaas dood gelin karo.

Hoos ka aqri Mooshinka:-
mooshin1
Mooshin2
Mooshin3
Mooshin4
Mooshin5
Mooshin6
Mooshin7
Mooshin8
Mooshin9
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!