Mooshin ka dhan ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka

by admin | Saturday, Dec 13, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ahaa oo ay yeesheen waxaa ay xildhibaannadu uga hadlleen arrimo dhowr ah.

Shirka maanta oo uu shir guddoominayay Pro Max’ed Cismaan Jawaari waxaa ka soo qeyb galay 141 Xildhibaan, waxaana ajandayaasha looga hadlayay ka mid ahaa aqrinta hindise sharciyeedk caruurta, qeybta labaad ee aqrinta dhismaha Gudiga xuduudaha iyo Federaalka.

Khadiijo Max’ed Diiriye sii hayaha xilka wasaarrada haweenka iyo xuquuqul isaanka ayaa Baarlamaanka ka aqrisay hindise sharciyeedkan, waxaana markii dambe Xildhibaanada ay cod u qaadeen, iyagoo ansxiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, iyadoobaarlamaanka-o2 mooshinkan ay soo diyaariyeen ilaa 20-xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka sheegay in maalinta berri ay baarlamaanka hor imaan doonaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka guud, si ay uga jawaabaan su’aalo laga weydiinayo mooshinka laga soo gudbiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo horjeestay amar ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha oo ahaa in Wasiirada aanay safri karin, iyagoo aan xilkooda wareejin ama aanay fasax ka heysan Madaxweynaha.

Amar ka soo baxay Hanti dhowrka guud ayaa waxaa maalmo ka hor lagu xiray Agaasimihii Wasaarada Haweenka Maxamed Cumar, kaasoo lagu soo eedeeyay ku takri fal awood xafiiseed.

 

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!