Mudada howlgalka burcad badeeda Soomaalida oo la kordhiyay

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Muqdisho : HN :–Ururka midowgga Yurub ayaa war uu soo saaray ku sheegay in muddo laba sano ah lagu kordhiyay howl-galka la dagaalanka kooxaha burcad badeedda Soomaalida si looga hortago khataraha kooxahaas.

Muhiimadda kordhinta howl-galkan ayaa lagu sheegay in ay tahay ka hortagidda in kooxuhu caqabad ku noqdaan dadaaallada gar-gaarka lagu gaarsiinayo Soomaliya iyo in maraakiibta xamuulka sida ay si nabad ah u gooshaan badaha dalka ay colaaduhu ka jiraan.

“Waxaa jiray guullo muhiim ah oo laga gaaray howl-galkan tan iyo markii la bilaabay 2008-dii ,balse waxaa la garowsaday in khatartaburcad-baded burcad badeedda ay  wali tahay mid sii jirta” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Brussels. 

“Howl-galka Midowga Yurub  waxaa uu keenay in la dhimo burcad badeedda ,waa inaan si wadnaa cadaadiska an ku haynno burcadda si aan u hubinno amniga Somalia ,tani waa mid ka mid ah danaheena guud “ sidaa waxaa yiri Federica Moghernin oo ah diblumasi Midowga Yurub u qaabilsan arimaha siyaasadda iyo amniga.

Waxaa la qorsheeyay in barnaamijkan labada sano ee so socota ay ku baxdo lacag dhan 14.7 million euro ,iyadoo howlgalkan uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidamada mariiniska boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabo Jen. Martin Smith.

Ugu danbayntii weerarrada kooxaha burcad badeedda ah ayaa is dhimay labadii sano ee la soo dhaafay ,inkastoo u jiro walaac laga qabo in  mar kale ay dib u soo xogaystaan sida ku cad warkan ka soo baxay Midowga Yurub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!