Mudanayaasha baarlamaanka oo maanta su’aalo weydiinaya guddiga asxaabta siyaasada

by admin | Monday, Oct 20, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u bilaabanaya kulamadiisa caadiga ahaa, kadib muddo labaatan cisho oo ay ku maqnaayeen fasixii Ciida iyo Xajka, iyadoo la xiray wadada hor marta Xarunta Golaha shacabka.

Kulankan oo ka mid ah kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka ayaa warbixin looga dhageysan doonaa Gudiga Axsaabta siyaasada, kuwaasoo labadii bil ee u dambeysay soo diyaarinayay sharciga axsaabta siyaasada.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta uu u bilaabanayo howlahooda caadigabaarlamaanka-o2 ahaa oo ka mid ah kalfadhiga shanaad.

“Maanta kulankii Baarlamaanka ayaa noo bilaabanaya oo ah kalfadhiga shanaad, waxaa warbixin looga dhageysan doonaa Gudiga axsaabta siyaasada”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Boolis, nabadsugid iyo ciidamada Booliska AMISOM ayaa la dhigay wadada hor marta Xarunta Golaha shacabka, iyadoo halkaas loo diiday inay gaadiidka maraan, waxaana la arkayay dadka oo ku lugeynaya wadada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaala sharciyo kala duwan oo la doonayo inay meel mariyaan ka hor sanadka 2016, xilligaasoo la qorsheynayo inuu dalka ka dhaco doorasho xor ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!