Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay warqadii go’aanka ra’iisal wasaaraha

by admin | Saturday, Jan 17, 2015

Muqdisho : HN :– Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo fadhi ku leh xarunta gollaha shacabka Soomaaliyeed, ayaa goor dhaw loo qebiyay warqad ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo sheegay in uu dib uga noqday xukuumadii uu dhawaan soo dhisay.

Kulanka Baarlamaanka oo goor dhow si degan ku furmay ayaa waxaa soo xaadirtay ilaa 164 Xildhibaan, iyadoo laga yaabo20141224635550079429763030IMG_2060 inay intaas ka sii bataan, waxaana la guda galay qeybinta warqadii ka timid ra’iisul wasaaraha.

Fadhiga baarlamaanka oo ay soo xaadireen ilaa 164 xildhibaan, ayaa waxaa ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana loo badaninaya in ugu danbeyntii ay isku raacaan mudanayaasha baarlamaanka go’aanka ra’iisal wasaaraha.

Aqriso warqada :

PM-Warqada

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!