Mulxiidiinta Soomaalida oo soo shaac baxaya, WQ: Cali N. Xoogsade

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Soomaliya waa Dal ay dagaan dad Muslimiin mana lagu arko Tub iyo Ceel gaalo dadkuna Diinka Islaamk kaliya midka ay wada aaminsan yihiin kuna soo barbaaraan soona bartaan inta ay yar yihiin marka ay weynaadaana hadba qofka intuu dadaal kusii bixiyo ayay hadba qoontiisu sii kordhaysay.

Dadka qaar barashada Diinta ayay ku bixiyeen waqti badan walow tira ahaan aysan badneyn kuwaasoo noqday Culimadii umada qaarna ayagoo Muslmiin ah ayaysan waqti badan ku bixin barashada Diinta wixii cilmi ahaan ka gaabtana Culimada ayay ka kaashan jireen.

Intii uusan 1990 kii dhicin ma jirin qof gaalnimo lagu tuhmo marka laga reebo kuwo ay Kaniisadii katooliga korisay iyo odayaal waayeelo ahaa oo Talyaaniga ama Ingiriiska xiligii gumeysiga soo barbaariyay waxna soo baray.

Sababaha keenay Mulxidnimada

Qixii la galay iyo dhibaatooyinkii socday in ka badan 20 sano waxaa dadka qaar ku dhacay isbadal Diimeed oo muuqda ka dib duruufo soo maray daarteed iyo gacan ay ka heleen Kaniisaado dadka gaalaysiiya kana faaiidaysta duruufaaha iyo dhibaatooyinka wadamada ay ka dhacaan.

Waxaa sidoo kale jira qolooyin ayagoo qaxooti ah u gacan galay Kaniisdo iyo Ururo Mulxidiin ah xiligii lagasoo tahriibaayay Liibiya ee yurub loo socday, waxaa ayna fadhiyaan badankood Wadanka Talyaaniga ayagoo taageero dhaqaale iyo waxbarasho u fidiyay qaxootigii soo tahriibay taasoo sababtay in qaarkood ku qancay Mulxidnimada.

Daagaalka Mulxidiinta inta uu la ehyahay

Qolooyinka Kaniisadaha gaalaysiiyeen walow la sheego tiro ahaan inay ka tira badan yihiin kuwa Mulxidiinta ah hadana waxaa muuqata Mulxidiintu inay ka firfircoon yihiin kuwa raacay Kaniisadaha waxaana tusaale kaaga filan inay isku dayayaan inay Mulxidnimada ku faafiyaan dhalinyarada ayagoo isaga shaarar kala nooca maarba mid usoo xirta.

Tabaha ay Mulxidiinta adeegsadaan

Sida la og yahay maarka qof dan gaaar ah leeyahay hadana dareensan yahay dantiisa inay ka hor imaanayso tan guud ee umada waxaa lagama maarmaan ah si aan looga shakin loona tuhunsan inuu tabo badan adeegsado si dantiisa uu agaaro ayadoon la fahmin ulaajeedadiisa.

B- Wadaniyad: Wadaniyadu waxaa wanaagsan marka masalaxada umada lagu dhowrayo waana wax baahi badan loo qabo in dadkeena soomaliyeed laga helo inay noqdaan dad Diinkooda iyo Dalkoodaba jecel , marka si aan looga shakin Mulxidiinta ayagoo Diinta Islaamka dagaal kula jira ayay dadka ku beer laxawsadaan wadaniyada.

Waxad arki kartaa Mulxidka asagoo mar iska dhigayo nin Muwaadin wadani ah isuna muujinaya nin aad u jecel dalka xiiseeyana siyaasada Soomaliya taasoo uu uga faa’iideysto marka koowaad isasoo shaac bixin marka labaad inuu danihiisa ka fushada kulamada ama Munaasabaadka Wadaniga ee Soomaalida Qurbaha ku nool sameystaan Sanadkiiba marar kala duwan.

T- Saxafi ama Qoraa: Saxaafada waa wax aad u wanaagsan maarka wanaaga lagu faaafinayo xumaantana lagula dirirayo laakiin marka wanaaga lagula dirirayo xumaantana lagu faafinayo waa wax aad xun mudana in dadka lagu baraarujiyo khatarta ka imaan karta.

Waxaad  arki kaartaa Mulxidiinta ayagoo hadana iska dhigaya Qoraa aqoonyahan ah ayagoo  waagii baryaaba Maqaal Webabka af Soomaliga kusoo qora amaba kalimad soo saara Social- Network-ga ayagoo maqaal kastaa oo ay qoreen aaad ka heli karto inay si toos ah iyo si dadbanba dagaal diinta Islaamka kula jiraan Qalimadooda dhiig inay xambaaarsan yihiin.

Xataa waxaaba dhacda inay qaarkood buugaaag qoreen ayagoo si toos ah qalinkooda ugu weeraraya Asalada Diinta Islaamka halka qaarka kalana ay waqtigooda oo dhan ku bixiyiyeen taageerida iyo buunbuuninta buugaaagtaas.

Weliba waxaa intaas usii dheer in Mulxidiinta Saxaafada isku caanbixisay in ay wadaan abaabulo ay ku mideynayaan dagaalka ka dhanka Diinta Islaamka ayagoo qaarkood bilaabay inay dhistaan Ururo ay ku bahoobeen.

J- Abwaan: Soomalida maadaama aya kasoo jeedo inta badan dad xoolalay ah waxa ay caan ku yihiin suugaanta waana wax aad u fiican intaba ay wax wanaagsan ka hadlayso, waxaana caan ay ku ahaan jireen abwaaanada suugaanta tiriya bulshada dhexdeeda wax aayna ku lahaayeen xushmad weyn, sidaa darteed ayaa kooxaaha Mulxidiinta qaarkood isu sharaxeen in dhankaas kasoo muuqdaan.

Sababta ku kaliftay iyo ula jeedada dhabta ahna waa inay helaan xushmadii loo hayay abwaanadeenii ayagoo ula jeedadoodu ka duwan tahay tii abwaanadeena lagu maamuusi jiray waxayna dadka ku beer laxawsadaan inay tiriyaan gabayo [Deel Qaaf ah] iyo inay ka faaleeyaan kana falanqeeyaana abwaanada caanka suugaantooda.

 X- Qabyaalad ama Federalaysi: Waxaa kaloo ka mid ah tabaha ay adeegsadaaan Qabiilka ayagoo isu muujiya inay yihiin dad ku dan ah midba beesha uu ka dhashay raacsana siyaasadeeda ayagoo markaas taageera hadba [Land land] kan beeshiisa ah wadato kana qeyb qaato dadaalada Dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay beeshiisa wado si ay siyaasadeeda u meel mariso loona arko inuu ayahay aqoon yahay beesha u dhashay.

Kh- Aflagaadeynta Clumada: Maadama Shareecada Islaamka Xormad weyn siisay Culumada daraja ahaan fadli dheeraad ah isla markaana yihiin isha kaliya ee laga cabo cilmiga Diinta ayay u guntadeen Mulxidiinta inay damiyaan iftiinkaas islamarkaasna ay dadka laabtooda marka hore ugu beeraan naca Culumada ka dibna naceybka Diinta Islaamka.

Waxaadku arki kartaa inay Culumada aad u maagaan haday maqaal qoraan ama buug ama gabay tiriyaan aayagoo marba qeyb maaga Saxwada ama Suufiyada iskuna daya inay dadka ku qanciyaan in dhibaatada dalka ka jirta oo dhan tahay Culumada iyo aaminsanaanta Diinta Islaamka horumar oo dhan lagu gaaro Diin la’aanta.

D- Ladagaalka Luqada Carabiga: Luqadan waxaa la ogyahay waa tii Quraanka waana Luqadii Nabigeena Suuban ku hadli jiray, sidoo kalna waxa ay dadka muslimiinta ku caawisaa fahamka iyo barashada Diinta, sida la ogyahayna daadkeenu wxay u hayaan xushmad badan, hadana si xushmada diin ahaan loo hayo Carabiga iyo fursada ku jirta barashada Carabiga oo ah barashada Diinta Islaamka si ay taas meesha uga saaraan ayay dagaal xoogan ku hayaan ayagoo hadana iska dhigaya muwaadiniin u dhiidhinaya Afka Soomaliga amaba Soomalida dhaqakooda iyo taariikhdooda ilaalinaya.

Marka iska hubi hana isdhihin qof kasta oo Maqaal qora ama Gabaya ama Siyaasada falanqeeya ama iska dhiga Wadani Dal jecel inuu waxa uu sheegaaya dhab tahay adigoon hubsan  fekerka uu faafinayo iyo nuxurka oraahdiisa, marka  digtoonow in cadawgaa kuusoo xerto shaar saaxiib ha iloobin inaad ku baraarugto calaamadaha kor ku xusan.

W/Q: Calinuur Xoogsade.

https://www.facebook.com/ali.noor.9480111

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!