Munaafaqu waa kuma? WQ: Omar Suleiman

by Yahye | Wednesday, Jun 4, 2014

Waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed  yihiin kuwo aad u jecel kuna qanacsan in ay muslimiin. Hase yeeshee cilladda haysataa wax kale ma aha sida aan anigu islee yahay waa aqoon darro ay ka qabaan dhibaatada uga imaan karta dembiyada tirada beelay ee ay samaynayaan. Niman dhallin yaro ah oo la baxay gadhadh waaweyn kuna lebisan dharka qabaa’ilka Carbeed ee ah khamiiska dheer ayaa aad uga naxay markii aan af buuxa ku idhi dadka Soomaaliyeed  waxay diintu soo gaadhay saddex sano ka dib hijradii rasuulka oo muhaajiriin uu ka mid ahaa Othmaan Bin Cafaan ayaa ka soo degay magaalada Saylac intii ka dambaysayna diintu waa nagu socotay waxaynuna ku dambaynay in ay dadka Soomaaliyeed diintii bannaanka ka yihiin waxaanna intaas ku daray waxaa la isku raacsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay 90% yihiin munaafaqiin.

Hadalkaas iga soo yeedhay ayay ka nexeen waxayna qaarkood markiiba iigu jawaabeen in ay arrinkaas kugu marag furi doonaan maalinka xisaabka qiyaame, isla markiina waxay igu waaniyeen in aanan mar dambe hadalkaas odhan. Ka dib waxaan ku idhi wuxuu Alle dadka u qaybiyey mu’min, gaal iyo munaafaq, markaas ayaan ku sii daray in munaafaqu yahay ruux muslim sheeganaya oo aad dembiyada ka waabanayn. Nimankaas dhallin yarada ahayd waxay sheegeen in uu munaafaqu sidaas ahay ee uu yahay nin gaal ah oo gaalnimadiisa qarsanaya. Haddaba dhallin yaradaas u ekaa rag diini ah anigu ilaa iyo hadda waxa ay sheegeen kuma raacsani, sidaas darteed waxaan doonayaa in ay ummadda Islaamka ahi noo gar naqdo.

Ugu horrayn waxay rumaysan yihiin dhallin yaradaas ehlu diinka ahi in munaafaqu yahay gaal muslimnimo been ah sheeganaya. Ruuxu haddii uu gaal yahay oo la joogo gaalo sinna muslim kuma sheeganayo ee gaalnimadiisa ayuu cadaysanayaa, hase yeeshee haddii uu la joogo dad muslimiin ah ayay ka suurto gashaa in uu qarsado gaalnimadiisa. Marka maxaa ku kelifi kara in uu isaga oo gaal ah uu sheegto muslim? Waxa ugu weyn ee ku qasbi karaa waa isaga oo ka cabsada in la dhibaateeyo, hase yeeshee dadka gaalada ku dhex nool muslimka haddii aanay iyagu marka hore dhibaato u geysan lama taaban karo oo gaal baad tahay looma dhibaatayn karayo. Sidaas darteed cabsi uma geyn karto in uu muslimnimo been ah sheegto.

Sidaas oo ay tahay gaalka iyo munaafaqu waxba kuma kala duwana aan ka ahayn midna waa mid gaalnimadiisa cadaystay midna waa mid muslinimo been ah sheeganaya.

Wuxuu Alle cwj kitaabkiisa kariimka ah noogu sheegay sida ka muuqata aayaddan hoos ku qoran in munaafaqiinta la dhigayo cadaabta meesha ugu hoosaysa

إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمْ نَصِيراً(النساء 145).

Sida runta ah munaafaqiintu waxay tegayaan cadaabta meesha ugu hoosaysa mana arkayaan cid u hiilisa oo wax u qabata kana saari kartaa cadaabtaas.

Aayaddan kalena wuxuu macnaheedu noqonayaa sidatan:

 بَشِّرِ الْمُنَافِقِينَ بِأَنَّ لَهُمْ عَذَاباً أَلِيماً(النساء 138).

Ugu bishaareeya munaafaqiintu in ay gelayaan cadaab xanuun badan.

Aayaddan gaalada ka hadlaysaana waa jawaabta laga bixiyey aayadda ka horraysa oo ku saabsan in ay isku dayaan in ay la yimaadaan suurad Quraan. Markaas ayaa la lee yahay haddii aad la imaan kari weydaan lamaba imaan kartiin eh ka cabsada cadaabta dadka iyo dhagxanta ku shidanta.

فَإِن لَّمْ تَفْعَلُواْ وَلَن تَفْعَلُواْ فَاتَّقُواْ النَّارَ الَّتِي وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ(البقرة 24).

Aayaddan kalena wuxuu macnaheedu noqonayaa sidatan:

وَقَدْ نَزَّلَ عَلَيْكُمْ فِي الْكِتَابِ أَنْ إِذَا سَمِعْتُمْ آيَاتِ اللَّهِ يُكَفَرُ بِهَا وَيُسْتَهْزَأُ بِهَا فَلاَ تَقْعُدُواْ مَعَهُمْ حَتَّى يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ إِنَّكُمْ إِذاً مِّثْلُهُمْ إِنَّ اللَّهَ جَامِعُ الْمُنَافِقِينَ وَالْكَافِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعاً(النساء 140).

Wuxuu runtii idiinku soo dejiyey kitaabka in haddii aad maqashaan ama aragtaan aayaadka Alle oo si qaldan loo sheegayo oo la diidayo kuwa sidaas yeelaya mar dambe ha la fadhiisanina meel in ay sheeko kale haystaan mooyee, waayo haddii aad la fadhiisataan iyaga oo kale ayaad noqonaysaan, sida runta ahna Alle munaafaqiinta iyo gaalada wuxuu isugu geyanayaa Jahannamo.

Aayadahaas iyo kuwo kale oo fara badan ayaa cadaynaya in ay munaafaqiintu cadaab gelayaan waxaana laga hadlayaa waa ruuxii ku dhinta munaafaqnimo iyo gaalnimo.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in la garto qofka munaafaqa ah oo sida uu Alle noogu sheegay kitaabkiisa ah qofka ay ka hadlayaan aayadahani iyo kuwo ka dambeeya.

Garashada aayaddu wuxuu ku xidhan yahay hadba sida loo macneeyo, sidaas darteed dadka qaarba si ayay ugu macnaysan tahay ee si fiican ha loogu fiirsado sida aan wax u sheego.

وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالْيَوْمِ الآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ(البقرة 8).

Dad waxay u arkeen macnaha aayadda sidatan:

Waxaa dadka ka mid ah mid odhanaya Alle iyo maalinka xisaabka qiyaameba waanu rumaynay hase yeeshee aan ahayn mu’miniin.

Qaarna waxay u arkeen sidatan:

Waxaa dadka ka mid ah kuwo odhanaya Alle iyo maalinka xisaabka qiyaameba waanu rumaynay hase yeeshee aan iimaan lahayn oo gaalo ah.

Marka anigu waxaan aayadda ku macnaynayaa sida hore, marka mu’miniintu waa kuwee? Wuxuu Alle dadka xagga iimaanka ugu kala qaybiyey 3 qaybood oo kala ah mu’min, gaal iyo munaafaq. Wuxuuna Alle sheegay in uu mu’minku yahay ruux dembiyada isaga ilaaliya sida uu qofku dabka isaga ilaaliyo oo aan gelayn dembi uu u jeedo in uu dembi yahay. Sidaas darteed ayay aayaddu iigu macnaysan tahay sidatan:

Waxaa dadka ka mid ah kuwo dhaha Alle iyo maalinka xisaabka qiyaameba waanu rumaysan nahay oo aan haddana dembiyada iska ilaalin oo aan mu’miniin ahayn.

Qofkaasi marka waa qof sheeganaya in uu yahay mu’min oo aan dembiyada iska ilaalin haba yaraatee.

Waana sida ay dadka Soomaaliyeed u badan yihiin.

Marka waxaan culumada ka codsnayaa in ay dadka si cad wax ugu kala sheegaan ee aanay dadka shaki ku abuurin.

WAXAAN AAD U QIIMAYNAYAA FIKIRKA DADKA SOOMAALIYEED WAXAANNA KA CODSANAYAA IN AY NA KALA CELIYAAN ANIGA IYO QAAR KA MID AH CULUMADA SOOMAALIYEED.

WAXAANNA U ARKAA DADKA SOOMAALIYEED IN 90% KU SIFOOBAAN MUNAAFAQIIN.

E-MAILKAYGU WAA    omersul04@gmail.com.

gleOMER SULEIMAN ALI

04/06/14

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah