Munaasabad lagu maamusayay 12 Abriil oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

by admin | Sunday, Apr 12, 2015

7Beledweyne  : HN :– Munaasabada oo aheyd mid lagu maamusayay 55 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd maanta oo taariikhdu tahay 12 Abriil ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Taliyaha ciidammada xoogga ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gurey oo munaasabada ka hadllay ayaa sheegay in ciidammada4 malatariga meel kasta oo ay joogaan maanta oo kale ah ay u tahay maalin weyn oo faraxadeed, gaar ahaan waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u dirray  ciidammada xoogga ee ku sugan gobolka Hiiraan.

”Ciidammada militariga waxaa loo aas-aasay in ay difaacaan kana hortagaan cadawgga dibada iyo gudaha, gaar ahaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa hor yaalla howlo culus oo ah in ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan cadawgga ku soo duullay ee sheegtay magaca  Al-shabaab ayuu yiri” taliyaha ciidammada.

5Siyaasiga Cilmi Faarax Wabi oo ka mid ahaa xubnihii ka hadllay munaasabada, ayaa sheegay in uu shaqsiyan qeyb ka ahaa ciidammadii
xoogga dalka Soomaaliyeed waqtigii ay jirtay dowladdii dhexe, isaga oo goobta ka sheegay in ciidammada militariga markii hore ka so0
farcameen tiro yar oo ciidammo booliis ah, madaama booliisku yahay mid ka fac-weyn militariga.

6Col Cismaan Dubad oo ha taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa wax lagu faraxo ku tilmaamay in ay maanta kala qeyb-qaataan ciidammada militariga gobolka Hiiraan munaasabada xuska 55 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay in saraakiisha ciidammada Jabuuti ku faanayaan in ay arkaan ciidammo dhisan oo militari Soomaaliyeed ah una shaqeynaya dalkooda iyo dadkooda.

38Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirray ciidammada militariga iyo xasaaskooda, uu u rajeeyay sanadkan kiisa kale hormar iyo guul laga gaaro dagaallka ka dhanka ah sidda uu hadalka u dhigay cadawga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!