Munaasabad lagu sagootinayay xubnaha aqalka sare oo ka dhacday Jowhar

by wadani | Friday, Nov 11, 2016

Jowhar : HN :- Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu sagootinayay xubnaha aqalka sare ee ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday Jowhar, ayaa waxaa ka soo qeyb-gallay mas’uuliyiinta ugu sareysa maammulka.

Munaasabadan ayaa waxaa suugaan kala duwan ku soo bandhigay Fanaaniin, bar baarta gaashaaman, waxaana ugu horeyn khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in doorashadii Aqalka sare ay u dhacdo si wanaagsan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirhsabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay doorashadii Aqalka sare ay si cadaalad u dhacday, waxaana uu kula dardaarmay xubnaha Aqalka sare ee la doortay ay  u gutaan waajibaadka loo igmaday si Alle ka cabsi leh.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ka hadlay Munaasabada ayaa ammaan u jeediyay Baarlamaanka Hirshabeelle inay doorteen mas’uuliyiin leh karti, aqoon iyo waayo aragnimo leh, isagoo xusay in xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle ay ka wakiil yihiin shacabka labada gobol oo kuraastooda ay ku fadhiyaan.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ammaan u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle sida ay ugu guuleysteen inay doortaan 8-da xubnood ee Aqalka sare u matalaya Hirshabeelle.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Aqalka sare inay soo dhiciyaan xuquuqda shacabka Hirshabelle ku lahaayeen dowladda dhexe,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan la dhisi doono wadada isku xirta Magaalada Jowhar ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka sare ee lagu doortay Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo maalmaha soo socda ay ka bilaaban doonto magaalada Jowhar doorashada Aqalka Hoose.

hirshabelle7 hirshabelle6 hirshabele8 hirshabele5 hirshabele4 hirshabele3 hirshabele2 hirshabele1hirshabele

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!