Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka Turkiga oo xalay lagu qabtay Muqdisho

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Muqdisho : HN :–Munaasabad lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhoweynayay booqashadii Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ee shalay dalka ku yimid ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay dowladda, Maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee bulshada, Fanaaniin iyo Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha sama falka ee Turkiga.

Fanaaniinta ka qeyb gashay xaflada ayaa ku soo bandhigay suugaan ka hadleysay waxqabadka Turkiga iyo taageerada lixaadka leh eeMG_2563 ay dadka Soomaaliyeed u fidiyeen.

Xassan Max’ed Xusseen Muungaab guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaaio doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay dowladda Turkiga.

“Walaalaha Turkiga waxqabad muuqdo ayay dalka ka fuliyeen, runtii shacabka Soomaaliyeed ma iloobi doonaan taageeradaas”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab oo intaa ku daray in booqashadii Madaxweyne Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay aheyd booqasho taariikhi ah.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo sheegay in saaxibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya ay waligeed sii jiri doonto, hadii ay geeriyoodaan xataa Labada Madaxweyne Erdogan iyo Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre oo tilmaamay in howlaha sama falka ee Turkiga ka wado dalka ay yihiin wax muuqda, isla markaana ay soo dhoweynayaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!