Munaasabada ciidda-carafo oo laga xusay magaalada Beledweyne

by admin | Saturday, Oct 4, 2014

2Beledweyne : HN :– Iyadoo guud ahaan dunida muslimka looga dabaal-dagayo munaasabada ciida-cafaro oo ku beegan maanta oo Sabti ah, ayaa magaalada Beledweyne dadka ku dhaqan waxaa ay siweyn uga qeyb-qaadanayaan farxada maalinta Ciidda.

Ciidda-Cafaro oo caan ku ah gowraca xoolaha iyo in ay dadka is booqdaan ayaa markii salaada laga soo baxayba waxa ay dadku intii awooday bilaabeen in ay xoolo goracaan si farxada iyo reyn-reynta maanta oo kale ula wadaagaan asxaabtooda.

Ugaas C/raxmaan Ugaas khaliif oo tukashada salaada ciidda kala qeyb-gallay boqolaal dadweyne ah masjidka Al-Nuur ee magaalada Beledweyne, ayaa ugu hambaleeyay guud ahaanba dadka muslimka munaasabada ciidda.

Sidoo kale Ugaas ayaa ugu baaqay umadda Soomaliyeed in ay is cafiyaan islamarkaana isku naxariistaan, gaar ahaan waxaa uu baaq u dirray dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaall beelleedyad.

Mrka la eego jawigga guud ee magaalada waa mid degan, marka laga soo tago in dadka iska wareysanayaan dagaallo marka kale dib uga soo cusboonaaday deegaanka Deefoow oo 35km dhinaca W/qooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!