Munaasabada lagu saxiixayo heshiis ay gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Muqdisho ka socta

by wadani | Wednesday, Dec 6, 2017

Muqdisho : HN :-Munaasabadda dhameytirka saxiixa Heshiiskii ay isku afgarteen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa hadda ka socda Xarunta Madaxtooyadda Qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaaren labada dhinac qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in hishiiska ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna uu ku qoran yahay in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug, islamarkaana uu shir guddoomin doonno shirka Golaha Wasiiradda Maamulka Galmudug.

“Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Maxamed Cabdi Shaakir, ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay, Heshiiska waxaa ku qoran in Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug oo uu shir guddoominayo Golaha Wasiirada Galmudug” ayuu yiri wasiir Yariisoow

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!