Muqdisho iyo Madaxdii Dhaqanka‏, WQ: Galayr

by admin | Monday, May 7, 2012

Waxaa caasimadda Muqdisho ka  furmay shirkii hogaamiye dhaqameedka Soomaaliyeed ee ka kala socda deegaamada iyo  beelaha Soomaaliyeed  ee  4.5. Muddo ayaa la soo xulayey muddona waa la soo daadguraynayayey haddana waxay  billaabeen Dugsigii Barashada  Dastuurka, nidaam wadaagga,  maamul wanaagga iyo awood qaybsiga.  Haddaba aqristoow  bal aan kaaga sheekeeyo meesha sidii wax uga dhaceen.

Waxaa soo degay Imaamyo, Salaadiin, Isimmo,  Garaadyo,  Ugaasyo, Malaaqyo,  Wabarro, Boqoro.Magacyadani idinkuma  cusba aad baa loo qadariyaa. Sheeko yaroo oo dhex martay golayaashii dhaqanka, dadkii dalbaday iyo qaabka shaqadu ku socoto ayaan idiinka sheekaynayaa ee bogasho wacan:

Suldaan Colujoog: War heedheh,  maxaa meesha naloogu soo xareeyey? Dadadkase nalaga rabo inaan soo xulno  saw  kuwa dalka  iyo dibaddiisa jooga maaha? Sidee wax  loo wadaa waqtigu naguma filnee.

Suldaan Jalafsade: Waxaan ku weydiiyey, adigu kumaad jirin miyaa qoladii mayiike siminaarka u furay, dadka la xulayo maxaa ka galay,  meeshan  lacag ayaa la kala boobayaa, dadkaasi waa diyaarsan yihiin, adigu siday kuu kala xigaan ama aad u kala  jeceshahay  farta ugu taag jufadiina.

Suldaan qabshax: Anigu waxaan  garan la’ahay Soomaalidu Suldaammo badana, awal ma intan oo Ugaas iyo Suldaan ayaan lahayn? Anigu kuwan barashadooda ayaan ku mashquulay iyo inaan kala ogaado reeraha ay madax dhaqameedka u yihiin.

Ugaas Dakharre: Hayaay, yaa is gaadhay, war qaar badan ayuu basku ka buuxsamay, oo  diyaaradaha boos ka waayey, oo iminka miyaadan ogayn  Salaadiin ma jirtee  waa  Cuqaashii oo dallacday, jagooyinka ugu fudud  dalka  miyaad  taqaana?.

Garaad xaange : Maya  Ugaas, ee  noo sheeg, aniga qudhaydaa la yaabay  waxaan oo madax dhaqameeda hadday dalka joogaan  maxay ummadda u dhex  geli waayeen, oo ay u kala saari waayeen? Maxayse  yihiin jagooyinkan?

Suldaan Colujoog: Anigaa kuu sheegaya  Garaad, ee mid walba weydii haddii uu ku yidhaahdo magaciisa  sadex Isim  oo is dabayaal  waa original, haddii uu Suldaan  hebel hebel hebel ku yidhaahdo, oo kuwa kale aysan Suldaamo iyo Garaadyo iyo Imaamyo ahayn ama Malaaq Malaaq dhalay uusan ahayn  waa  koobimaya, waaba bug [Falso] oo  inagaa laynagu xumaynayaa.

Suldaan Xoogsade: Sidaa ha odhan Colujoogoow, dadkii way bateen  reerkii shalay lahaa Suldaanka qudhana, maanta waxay leeyihiin  koox Suldaamo ah, teeda kale Soomaalidu waa kala xeer dhinaca hogaanka dhaqanka, qolana  way is dhashaa, qolana waa hoggaan dimoqraadiya, oo maalinba ninkii reerka wadi kara ayaa loo dhiibaa,  marka dee beeshaada ha ku salayne,   kala baro dadka, oo ma lagu duubay dheh? Mise adigaa is duubay?.

Suldaan Bullow: horta qolaba maalinbay  hogaan samaysataa aniga  usbuucii hore

Ayaa lay duubay  waxaana  balan qaaday inaan waajibkayga  guto oday soomaaliyeedna waa ahay  Jabuuti laba jeer ayaan ka qayb galay,  kenya waan tegay  Adis iyo qaahira waa ka qayb galay intaas odaynimaan uga qayb galay maanta reerkaa ii igmaday  inaan Suldaankooda noqdo marka maalinba ninbaa nasiib u yeesha in la duubo ee  yaan lays gadafeeyn.

 

Salaadiintii ayaa midba meel talada ku dhuftay, iyada oo lays fahmi la’yahay ayaa mid ka dhex kacay

Suldaan Tahar: War cibaadada  badiya iyo Alle bariga, nimankii dadka qarxin jiray waa isu soo dhawaanay, wax badan ayaa BBC-da ka dhagaysateen, maantase waxaan joogna meelahay wax ku qarxin jireen.

Suldaan Gobdoon: Arreey adigay mindhaa beriga kuugu horreysaa, annaga kuwaas kama cabsoonee Suldaan gobonimo doon ayaa  naqanaysaa, Taallana waa lagu dhisaa, haddii lagu qarxiyee  ee xaad la cabsahee,  cimriyaadba tahee? Cibaado wax xun maaha mug kasta iska cibaadayso.

Halkaa markay sheekadii maraysay, oo qosol loo wada daatay, ayaa waxaa   soo dhacay telefoon uu lahaa Suldaan khuurshe, dhaalam dhalalaamam dhalaalaam.

Suldaan khuurshe : Hello, waa kuma?

Axmed yare: Adeer waa wiilkaagii Axmed, ee walaalkaa dhalay waa Agoonkii, ee  hawl baan kaa lahaaye,   ii warran?.

Suldaan Khuurshe: Adeer siminaar baan ku jiraa, ee hadhoow igu soo celi,  waxaan la fadhiyaa  Madaxdii ku meelgaadhka iyo madaxdoodii (Mayiike) hadhoow igu soo celi, Maandhoow.

Axmedyare:Adeer xagee joogtaana,  ma gurigii? Mise  meel kale?.

Suldaan Khuurshe: Adeer Xamar baan joogaa, waxaan saxeexayaa Dastuurka Soomaaliya.

Axmed yare: Subxaanallaah! Adeer  hawshaas anigaa barta waxay u baahan tahay qof sharci yaqaana,   qof walba  ma khusayso, adiga  oo aan waxba qorin waxna aqriyin ayaa iigu kaa danbaysay, gadaashay ma waxbaad baratay?.

Suldaan Khuurshe: Adeer dowladdaa noo yeedhay,  waa runtaa sidii aad igu ogayd baan ahay, waa naloo aqrinayaa,  marka naloo aqriyo, dee dhego aan ku maqalno iyo maskax aan ku garanoba waan leenahay, markaas ayaan  soo xulaynaa  guddi saxeexda.

Axmedyare: Adeeroow waxaadan aqoon haysku saxeexin,  dadkana dhib haw horseedin, nin nabadeed, Suldaan Suldaan dhalay oo daacada baad tahaye, iska ilaali waxaas oo kale ama qof aqoon leh u wakiilo, oo aqoonteeda leh.

Suldaankii khadkaa ka go’ay shakina waa galay, ka dib ayaa mid kale weydiiyey; yaa kula soo hadlayey? Waxuu yidhi ; waa mid yaroo walaalkay dhalay oo dibadahaa jira,  ninka reerka oo dhan  iga kafaala qaaday, wuxuu barta Qaynuunka iyo Sharciyada, waxuu igu yidhi; hawsha aad waddaan waa Qatar! Waan shakiyey Malaaq  Tuuroow 

Malaaq tuure : Aniga  saaxiib hore ayaan u shakisnaa, hadda aniga dadka aan soo xulaayo dad aan sharci aqoon ma keenayo 9 Abuukaate [Qareen] ayaan  beesha ku jira, sagaalkaba waa keenaa, haddii ay dadka dhib u horseedaan, Ilaahay ayaa la xisaabtamayaa, waxaan ku dhihi lahaa wiilka  hadduu sharciyada barto Asiga wac iyo kuwa kale ee yaqaan, sidaas ayaan dalka ku badbaadin karnaa,  waxaana  lagu kala ogaan karaa.

Suldaan qarboosh: Wacad Alle  inaydaan aduunyadan ku noolaan karayn, hadalkiina baan dhagaysanayey, waxaad tihiin niman aan ogayn meesha laysla marahayo, war aniga beeshayadu 10 bay yeelanaysaa,   kursi kasta waxaa lay  gaaray 1500$ meeshana 2000$ ayaa layga siinayaa waa 17000$, guri  haddee iga qabya ahaa oo aan qarash u waayey iyo Barkad iga  jaban ayaan ku samaysanahayaa, dalkan ha la iibsado ama ha lala wareego, waxba  igama gelin, Ina Adeer  meeshay doonaan  ha geeyaan.

Ugaas Dhuxul : Innaa lillaah waa inaa ilayhi raajicuun, ninka sidaa u hadlayaa, Aabihii waxuu ahaa raggii gobonnima doonka ku dhintay, isagiina  caloosha  iyo cunaha maahee meel kale waxba ka fahmi maayo! War intaynaan cid kale  matelin qoladeena hogaamiya dhaqameedka ah aan  is xallino, oo is kala saarno, Wallaahay waa  laysku dhex jiraaye.

Ugaas Nageeye: Arreey maqal  Barkadaa iga qabya ku lahaa, xaad  barkad ka sheegee dalkii dhammaa ayaa masuuliyaddiisa lagu saaray, adna gurigaaga ayaad ka sheekayhee,  war Ilaahay ka cabso, oo waxii laydinku xaman jiray yaanay idinka soo bixin, ceeb waaye waxaasi.

Wabar  Digaale: Anniga sheeko macquula ayaan idiin hayaa, horta aniga aqoon waa leeyahay, Ilaahay ayaa i baray,  haddii maaddi tahay iyo haddii diini tahay, sheekadaan ma nuurayso, saaxiibayaaloow aan samayno urrur, maanta ha lagu dhawaaqo Golaha  Guurtida  Soomaaliland  camal ah, meesha  waa billaabatay  yaan dib loo naqanin, haddii kale annaga wax oo markii loo baahdo la isticmaalaayo, hadhoowna iska baxa la dhahaayo maan nahay? Waa inaan urur ku dhawaaqnaa.

Suldaan Caagane: Qoodhiyo Xero Wabaroow waad asiibtay iminkadaas ayaan niyadda ku hayay  Golaha dhaqanka iyo Umadda Soomaaliyeed  G.DH.U.S. ayuu noqonayaa  Mayiikena aan u sheegno, meeshana yaan looga kala kicin, illeen innagu ma nihin dabarkii marka lo’da la lisayo  la isticmaali jiray, marka danbena  layska tuuri jiray, yaan laynagu Awr kacsane, aan danteena  garano, oo aan hoggaanka iyo masiirka dalka talo joogta ah ku yeelano, oo aan baarlamaankan iyo madaxtooyadan iyo golaha wasiirrada noqono kuwa ugu sarreeyaa qolyaha culumada ahna qaar baan ka soo qaadanaynaa Inshalaah.

Boqor  Jeyte: Aniga Filinkaas ayaa igu socda, waa inaan meesha dib looga noqon, ee aan Gole ku dhawaaqnaa  Golaha wax Garadka iyo Guurtida  Umadda Soomaaliyeed  G.G.U.S. waana feker wanaagsan.

Sheekadii waa dhabaqday, Golihiina xal ayuu u baahan yahay, nin la sugayoow adna yaad  sugi  waa Soomaali iyo xaalkeed, balse,  qaybaha danbe ayaan sugaynaa xulashada xubnaha Soomaaliya   xalkeeda gacanta loo geliyey qaabka ay ka yeelaan iyo  sida loo soo xulo   la soco qaybaha  hadhay …………………….

 

 

Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowe Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!