Muran iyo khilaaf wali ka taagan halka lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe

by admin | Friday, Mar 27, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa wali taagan muran iyo khilaaf ka taagan halka rasmi ahaa lagu qabanayo shirka lagu waddo in lagu dhiso mamul ay ku mideysan yihiin gobollada Galguduud iyo Mudug, kaddib wadda-hadallo qaatay muddo saddex cisho ah oo dhaxmaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo odayaasha beellaha labada gobol ee ku sugan Dhuusa-mareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay soo gaba-gabeeyay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tagay degmada Dhuuso-mareeb, isagoo aan weli ka hadlin wixii kasoo baxay kulammadii uu lasoo qaatay odayaashii uu kula soo kulmay Dhuuso-mareeb.

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ku sugan degmada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in laftirkooda ay ku kala aragti duwan yihiin20150323_205808 halka lagu qabanyo shirka, qaar ka mid ah odayaasha ayaa qaba in loo hogaasamo go’aanka madaxweynaha ee ah lagu qabto shirka degmada Cadaado, halkaa qaar kale oo badanna qabaan in shirka uu ka furmo Dhuusa-mareeb.

“Odayaasha ku sugan Galguduud way ku kala jaban yihiin meesha lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka Mudug iyo Galguduud lagu qabanayo. Waxgaradka qaarkood ayaa qaba in lagu qabto shirka Dhuuso-mareeb, halka kuwo kalena ay doonayaan in Cadaado lagu qabto,” ayuu yiri Nabadoon Yuusuf.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo ku aadan waxa ka soo baxay wadda hadallada mudada saddexda cisho ah ka socday demada Dhuusa-mareeb.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!