Muran xoog leh oo ka taagan sharci ahaanshaha mooshin shalay loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka

by admin | Friday, Nov 7, 2014

Muqdisho : HN :– Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa siweyn ugu kala qeybsan mooshin la sheegay in maalintii shalay loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo ka dhan ahaa xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Xildhibanno warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay guddoonka baarlamaanka u gudbiyeen maalintii shalay mooshin ka dhan ah ra’iisal wasaaraha xkuumada Soomaaliya gacantana ka galliyeen mooshinka sidda ay hadalka u dhigeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.

Laakiin waxaa arrintaa siweyn uga hor yimid xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uusan jirin mooshin looxildhib gudbiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, haddii uu jirana uusan aheyn mid wax sharci ah ku fadhiya, madaama sidda ay hadalka u sheegeen aysan jirin sabab looga horyimaado xukuumada hadda jirta.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa sheegay in ra’iisal wasaaruhu awood u leeyahay in uu isku badallo xubnaha golihiisa wasiirrada awoodaasna uu siinayo sharciga, sidda daraadeed aan la oran karin ra’iisal wasaaraha ayaa sharciga ku xad gudbay.

Buuqa iyo kala qeyb-sanaanta baahsan ee ka dhax jirta xildhibaannada ayeey dad badani ka cabsi qabaan in ay dib ugu celiso baarlamaanka waqtigii gacan ka hadalka oo ay xildhibaannadu ku dagaallami jireen gudaha baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!