Murankii badda ee dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo wali taagan

by admin | Saturday, Nov 29, 2014

Muqdisho : HN :–Waxaan wali wax xal ah laga gaaray khilafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya,kaaso salka ku haya muranka xadduudka badda,balse dowladda Soomaaliya ayaa xilli hore gudbisay dacwad arrinta la xiriirta.

Xeer ilaaiyaha guud ee Qaranka Soomaaliya mudane Axmed Cali Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wali uu socdo muran badeedka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya,walina la isku fahmi la’yahay.

Axmed Cali waxuu sheegay biyaha lugu marunsan-yahay inuu ka socdo howlgallo shidaal baaris sharci darro ah oo ay waddo dowladda Kenya,waxuunaxees baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay mowqif mideysan ay ka istaagaan arintani.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka codsaneynaa inay nagu taageraan mowqifkii ay horay u qaateen baarlamaankii hore, sidaa darteed ayay dowladda kenya dhulkeena u sheegatay, anagana dhul ay leeyihiin ma aanan qabsan, dhulkyagana muran ma aanan gelin anaga nagula heystaa dadka qaar maxaa waqtigan looga hadlayaa ayay leeyihiin, arrinta ma ahan gorgortan laga galayo, Kenya 2005 ilaa hada dhaq dhaqaaq sharci daro iyo baaris ayay ka wada xuduud ay keligeed sameysatay oo Baddeena Soomaaliya, si ay u goosato oo ay dhinaceena xigsato ayay rabtaa”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa laga sugaya dacwad ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya,waxaayna dowlada ku eedeysay Kenya inay si sharcidarro ugu soo xad-gudubtay biyaha Soomaaliya.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!