Musaveni oo saraakiil cusub u soo magacaabay howlgalka AMISOM

by admin | Friday, Apr 17, 2015

Kampala ; HN ;– Afhayeenka Ciidamada Difaaca dalka Uganda Paddy Ankunda,ayaa wakaalada wararka Xinhua ee ka soo baxda dalka Shiinaha u sheegay in madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni uu dalacsiiyay Brigadier Nakibus Lakara inuu noqdo mudo labo sano ah ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo qeybta ka ah howgalka AMISOM.

“Waa nin ka soo bixi kara shaqadiisa,waana Sarkaal si wanaagsan u tababaran oo ka run sheegi kara howsha uu hayo.” Ayuu Yiri Mr Paddy Ankunda, oo ka hadlayay shaqsiyada Sarkaalka cusub ee Uganda u soo magacowday Soomaaliya.

Sarkaalka cusub ee lagu magacaabo Lakara ayaa horay u soo noqday madaxii Ciidamada dalkaasi iyo waliba Taliyihii sedexaad ee Ciidamada Fadhigooda uu yahay degmada Waqooyi bari ku taalo ee Moroto tan iyo bishii July ee sanadkii 2013-kii.

Sidoo kale, madaxweyne Museveni ayaa magacaabay Col. John Nsubuga,oo ahaa ku-xigeenkii Sarkaalka guutada sedexaad ee Ciidamada Uganda, waxaana loo magacaabay Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidamada Uganda kaga sugan Soomaaliya sanadka soo socda.

Brigadier Dick Olum,oo ahaa Sarkaalkii Uganda u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa lagu badalay Nakibus Lakara, waxaana lagu amaanay howlo badan uu ka qabtay Soomaaliya gaar ahaan dagaalka Al-shabaab.

Dowlada Uganda ayaa Ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda Midowga Africa u soo diray Soomaaliya kuwaasi oo ka mid noqda howgalka AMISOM ee taageerada ka helaya beesha caalamka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!