Musharax C/raxmaan C/shakuur oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

by wadani | Sunday, Dec 4, 2016

Kismaayo :HN :- Iyadoo dalka ay ka soconayaan olalaha doorasho oo ay ku jiraan musharixiinta madaxweynaha oo kala xod xodanaya xildhibaannada la soo doortay ayaa waxaa maanta gaaray  magaalada Kismaayo musharax C/llaahi Shakuur Warsame.

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlay doorashooyinka, isagoo bogaadiyay Jubbaland inuu noqday maamulkii u horeeyay ee dhameystira doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

Kulanka labada Mas’uul ayaa ahaa mid ay isku weydaarsadeen fikrado iyo talooyin la xiriira arrimaha doorashooyinka, iyadoo Jubbaland uu yahay maamulka 3aad ee Xildhibaanada ugu badan ku leh isku darka labada Aqal oo ah 51 Xildhibaan.

Sidoo kale Musharaxa Madaxweynaha C/raxmaan C/shakuur ayaa kulan albaabada u xiran la qaatay Xildhibaanada labada Aqal, iyadoo Musharaxa uu u qeybiyay Xildhibaanada labada Aqal barnaamijkiisa ISKUTASHI.

Musharaxa ayaa soo dhoweeyay in kuraasta Aqalka Hoose ay ku soo baxaan dhalinyaro yar yar, taasna ay tusaale u tahay is bedelka uu dalka u baahan yahay.

Musharaxa ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu dalka ka dhaco is bedel dhinaca hoggaanka oo ah Madaxtooyada iyo Xukuumadda, isagoo xusay in lagama maarmaan tahay in sanadkan 2016 uu noqdo sanadkii is bedelka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa noqday Musharaxii labaad ee taga Kismaayo tan iyo markii uu Maamulka Jubbaland uu dhameystiray Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay.

 

warsame2
warsame4 warsame5 warsame6 warsame7 warsame8 warsame9 warsame10

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!