Musharax isku soo taagay xilka madaxweynaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexde

by wadani | Saturday, Dec 26, 2015

20151225635866493265170775Murashax_Maamulka_Hiiraan_Sh_Dhexe_660Muqdisho : HN :– Iyadoo lagu waddo in todobaadka danbe magaalada Jowhar ka furmo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa waxaa durbaba soo baxaya musharixiin iyagu soo bandhigaya damacooda ah in ay qabtaan xilka ugu sareeya maamulka [Madxweyne]

C/raxmaan Xuseen Caddoow oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka labada gobol, isaga oo faah faahin ka bixiyay safar uu dhawaan ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Musharaxa ayaa sheegay in maalmaha soo socdo uu ku wajahan yahay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan si uu ula soo kulmo bulshada reer Hiiraan.

Murashaxa ayaa intaa ku daray in haddii hoggaanka loo doortay uu ka shaqeyn doono sidii uu uga hir-gelin lahaa gobollada uu maamulka la dhisayo ka kooban yahay is-bedel amaan iyo mid nololeed, isagoo intaas ku daray inuu had iyo jeer uu ku dadaali doono maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulka loo dhisayo labada maamul.

Hadalka murashax C/raxmaan Caddoow ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasaarada arrimaha gudaha iyo fedraalka Somalia ay sheegtay toddobaadkaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaabi doonto howsha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa dhowr casho ku sugnaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Toddobaadkaan, halkaas oo ay kula soo kulmeen Wax-garadka iyo siyaasiyiinta, iyadoo kulamadan intooda u badan looga hadlay dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!