Musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye oo la doortay

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015

Hargeysa : HN :–Kaddib kulan maanta ay magaalada Hargeysa ku yeesheen xubnaha gollaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa lagu doortay musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka xisbiga uga qeyb-gali doona doorashada Soomaaliland ee so socta.

Muuse Biixi Cabdi ayaa helay 344 cod, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen 365 xubin oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana loo doortay in uu noqdo musharaxa madaxweynaha tartanka uga qeyb-galaya xisbiga.

20151110635827305986829776ergooyinkaMa jirin cid la tartantay Muuse Biixi, waxaana qaadacay musharaxiinta kale ee horay uga dhawaaqay inay musharax Xisbiga Kulmiye yihiin, kuwaasoo lala ahaa C/casiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga oo ay ku tartamayayeen C/raxmaan C/llaahi Seylici iyo Saleebaan Ciise Xagla-Toosiye ayaa waxaa guuleystay C/raxmaan Seylici oo helay 230-cod, halka Xagla-Toosiye uu helay 114 cod.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo goobta joogay ayaa ku dhawaaqay in uusan u tartameyn Madaxtinimada Somaliland, isla markaana uu ka tanaasulay musharaxnimada Xisbiga Kulmiye.

Ugu danbeyntii,  Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa waxaa soo food-saaray qalalaase siyaasadeed, iyadoo Wasiiro badan oo ka tirsanaa Xukuumadda Somaliland ay isku casileen khilaafka xisbiga ka jiray dartiis.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!