Musharaxii ugu horeeyey ee isku soo sharaxay madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan

by admin | Thursday, Apr 23, 2015

B/weyne; HN;- Hiiraan Xog. Musharaxan oo lagu magacaabo Cabdi Raxman Xuseen Cadoow ayaa markii ugu horeeysay isku soo tagay qabashada xilka madaxweyne nimimo ee Hiiraan state dowlad goboleed kaa oo ka kooban gobolada hiiraan iyo gobolka shabeelaha sare.

Cabdi Raxman Xuseen Cadoow oo kamida qurbo joogta reer Hiiraan ee mudooyinkii danbe dalka dib ugu soo laabtayay ayaa hadalkan uu sheegay musharaxnimadiisa kaga dhawaaqay munaasabad si wanaagsan loo soo agaasimay oo lagu taageerayay musharax nimadiisa oo ka dhacday magalada beledweyne. Waxana munaasabada lagu taageerayay musharaxan ka soo qeyb galay odayaal wax garad iyo qeybaha kala duwan ee magalada beledweyne .

Nabadoon Fara-dheere oo kamida odayaasha dhaqanka gobolka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweeynayo masharaxan waxana uu ku tilmaamay mid guul ah oo u soo hoyatay shacabka ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha sare.

musharax-Cabdiraxmaan-xuseen-cadoow-1

Musharaxa Madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan

 

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan nabadoon Dacar Xersi Nuur oo isna ka hadlay kulanka lagu taageerayay musharaxa cusub ee markii ugu horeeysay isku soo taagay qabashada xilka madaxweynenimo ee dowlad gobolleedka Hiiraa waxana uu tilmaamy inuu aad ugu faraxsanyahay uuna soo dhaweeynayo musharaxa waxana uu rajeeyay in uu noqdo kii samata bixin lahaa shacabka goboladaasi kunool.

Xubno u hadlay ururada bulshada dhalinyarada haweenka iyo qurbo joogta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada sare ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsanyihiin musharaxan isku soo taagay qabashada madaxweyne ee Hiiraan sababtoo ah waa markii ugu horeeysay ee gobolka Hiiraan iyo Shabeelada sare shaqsi madaxweyne isku soo sharaxo waxana aay tilmaameen in aay la shaqeeyn doonan musharaxan cusub oo aay soo dhaweeynayaan.

Musharaxa Cabdi Raxmaan Xuseen Cadoow ayaa sheegay in sababta uu isku soo sharaxay aay tahay markii uu arkay baahida loo qabo in maamul mideeysan aay helaan gobolada hiiraan iyo shabeelaha sare.

Gabagabadii khudbada musharaxaan ayaa waxa uu ku dalbay in lasiiyo codka kalsoonida si uu u samata bixiyo dadka iyo deegaanka aaya dhibaatada la dagtay .
Waa musharaxii ugu horeeyay ee isku soo taagay qabashada xilka madaxtinimo ee hiiraan iyo shabeelada sare tan iyo markii aay bilaabatay qaban qaabada shirka maamul u sameynta gobolada hiiraan iyo shabeelada sare.

Hiiraan Net/Hiiraan Xog

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!