Musharixii ugu horeeyay oo isku soo taagay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe

by wadani | Wednesday, Oct 5, 2016

Jowhar : HN :-Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe Abuukar Xasan Cali Maqaneyayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharaxa guddoomiyaha baarlamaanka maamulka cusub ee Hirshabelle.

Shir jaraa,id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay Abuukar Xasan Cali ayuu ku sheegay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Abuukar Xasan Cali ayaa sheegay inuu yahay mas’uul u taagan qabashada xilkaas aqoon badana u leh arrimaha baarlamaanka:“Waxaan ka mid ahaa baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ee difaacay xuduuda badda Soomaliya waxaan aqoon buuxda u leeyahay arrimaha baarlamaanka iyo arimaha shareecada islaamka marka waxaan u taaganahay qabashada gudoomiyaha baarlamaanka ” ayuu yiri  Abuukar Xasan Cali.

Abuukar Xasan Cali ayaa waxbarashadiisii hoose dhexe iyo sare ku soo qaatay dugsiyo kala duwan oo ku yaal gobolka Sh/dhexe halka uu waxbarashadiisa Jaamacadana ku dhamaystirtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Musharax guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli lagu doonayo in lagu dhaariyo maalinta Sabtida ah ee soo socota xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!