Musharixii ugu horeeyey oo isu soo taagay xilka Madaxweyne ee Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

by admin | Tuesday, Aug 11, 2015

Muqdisho : HN:- Kadib kulan shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho oo ay kasoo qeybgaleen Siyaasiin, Odayaal iyo haween intooda badan kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu taageeray C/raxmaan Xuseen Caddow ( Cabdi Yare ) oo isu soo taagay qabashada Xilka Madaxtinimo ee maamul goboleedka Hiiraan-Shabeelle state.

Musharaxa oo qudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in uu doonayo in uu isbedel Amni iyo mid nololeed ka abuuro Hiiraan iyo shabeelada dhexe, shaacintiisa musharaxnimana ay ka danbeysay markii uu la tashiyo lasameeyey dadka Goboladaas.

Xilku waa masuuliyad culus oo qaadistiisu aysan sahlaneyn laakiin sax mahan in aan indhaha ka daawanno waxa socda ee ah abaaraha, amni daradda iyo nolol la’aanta bulsho” ayuu hadalkiisa raaciyey Musharax Cabdi Yare.

Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo ah dhul beerashada ku wanaagsan ayuu sheegay haddii la doorto in uu hormarin doono wax soosaarka degaanadaas, Dumarka ayuu sidoo kale sheegay in ay kaalin weyn ku yeelan doonaan maamulkiisa haddii uu guuleysto.

Xasan Cali Diini oo ka mid ah odayaasha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan Musharaxa Cusub ee raba in uu degaanadaas maamulo ayna garab kusiin doonaan haddii uu ka shaqeynayo danta dadka degaanadaas.

C/raxmaan Jimcaale oo ka mid ahaa siyaasiintii kulanka kasoo qeybgalay ayaa dhiniciisa isagana waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan Musharax C/raxmaan Xuseen Caddow, waxa uuna sheegay in xilligan dadka dega degaanadaas ay u baahan yihiin hogaamiye da’yar oo si fiican u hogaamin kara isaga musharaxa tusaale usoo qaatay.

“ haddii aan nahay haweenka kasoo jeeda Gobolada larabo in Maamulka loo dhiso waxaan rabnaa hogaamiye tixgeliya haweenka door fiicanna kasiiya Maamulkiisa C/raxmaan adigana waxaan kugu taageereynaa balanqaadkaas” waxaa tiri Tariig Ibraahim Axmed oo ka mid aheyd Haweenkii kasoo qeybgalay Munaasabadda.

Wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka ayaa maalmo ka hor shaacisay in uu bilaaban doono shirkii Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe Musharax C/raxmaan Yare ayaa noqon doonaa qofkii ugu horeeyey ee isu sootaaga xilkaas.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!