Musharixiin khudbado ka hor jeedinayay maanta xildhibaannada maamulka Hirshabeelle

by wadani | Wednesday, Sep 13, 2017

Jowhar : HN :-Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaar garowga ku aadan Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo maalmo kooban ay ka hareen.

Jowhar hada waxaa ku sii qul qulaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka, dadweyne fara badan iyo Wariyeyaal halkaasi u tagaya in ay soo tabiyaan Doorashada.

Maanta waxaa bilaabaneysa dhageysiga khudabaha Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, iyaga oo ka hadlaya waxqabadkooda, aqoontooda iyo Taarkiikh nololeedkooda.

Guddoomiyaha Guddiga Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in maanta khudbado laga dhageysan doono ilaa Afar Musharax, halka berri oo Khamiis ahna Afarta kale la dhageysan doono.

16-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota ayaa waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ay u taagan yihiin ilaa Sideed Musharax

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!