Musharixiin u taagan xilka madaxweynaha oo baaq u diray golaha amaanka

by wadani | Wednesday, Dec 28, 2016

Muqdisho : HN :Ilaa lix musharax madaxweyne ayaa ka hor-yimid go’aanadii 24-kii bishan ka soo baxay Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran, kaasoo 18 xubnood loogu kordhiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

War saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen Musharaxiinta Madaxweynaha sida C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid C/llaahi Dani, Maxamuud Axmed Tarsan iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxay walaac ka muujiyeen go’aanadii Madasha ee hareer marsanaa dastuurka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!