Musharixiinta maamulka gobolleedka Galmudug oo xusul duub adag ku jira

by admin | Thursday, Jul 2, 2015

Cadaado : HN :– Magaalada Cadaado saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ka soconayay olalle ballaaran oo ay waddaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug, iyadoo lagu waddo in maalinta Sabtiga ah ay dhacdo doorashada madaxweynaha.mi

Musharixiinta ilaa iyo hadda tartameysa oo tirdoodu gaareyso 10 musharax oo mid ka mid ah tahay qof dumar ahm ayaa lagu waddaa in ay maanta hadal ka hor jeediyaan xildhbaannada si mid walba uu u soo bandhigo wax qabadkiisa marka haddii uu xilka ka guuleysto.

Laakiin marka la eego 10 musharax ee tartameysa ilaa iyo hadda waxaa ugu cad cad musharixiinta kala ah Axmed Macalin Fiqi, C/kariin Xusseen Guulleed iyo Axmed C/sallaan Xaaji Aadan.

Guddiga doorashada ayaa soo saaray durbaba jadwalka doorashada iyo sidda ay u dhaceyso, iyaga oo sheegay in musharax walba wareega koowaad laga doonayo in uu hello saddex meel labo meellood codadka la dhiibtay, haddii taa la waayana loo baahan doono wareeg kale.

Qaban-qaabada socoto ee doorashada madaxweynaha ayaa dhinaca kale waxaa bar bar socda kala jiidashada xildhibaannada iyadoo musharax walba uu xoogga saarayo in uu hello codadka ugu badn ee xildhibaannada tariikhii la doonaba ha loo maree.

Marka laga soo toogo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, waxaa xusid mudan in maalintii shalay magaalada Dhuusa-mareeb looga dhawaaqay madaxweyne ay yeellanayaan gobollada dhexe, kaa oo loo doortay Sheekh Max’ed Shaakir Cali Xassan

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!