Muslim-Dile Gaal-Daaye. Nimaan Yaab Arag Looma Sheekeeyo Layaab.

by Yahye | Friday, Dec 23, 2011

Sida ay warbaahinta usoo bandhigeen shalay ururka Al-Shabaab ayaa waxay codsadeen in lagala hadlo sidii ay usii deyn lahaayeen askari Burundi ah oo ay qabsadeen sanadkan bilowgiisii. Al-Shabaab ayaa waxay ku eedeeyeen dalka Yugandha inay fashiliyeen qorshe lagu siideyn lahaa gaalka Burundiga, taasoo macnaheedu yahay inay damacsan yihiin Al-Shabaab inay ka qaataan lacag madax furasho ah ninkaas.

Hadaba waxa wax lala yaabo ah in Al-Shabaab ay ku dadaalaan siideynta gaalada gacantooda soo gasha, ayna aragti ku dilaan muslimiinta Soomaaliyeed oo qaarkood ay yihiin biri-ma-geydo sida culumada, dumarka iyo caruurta yar yar. Kaba soo qaad in Soomaalida ay dilaan ay yihiin gaalo sida ay sheegtaan, maxay Soomaalidaas uga qaadan waayeen lacag madax-furasho ah oo ay usii deyn waayeen? ileyn gaalka Burundigaba waxay ka rabaan madax-furashee?

Sow halkaas kasoo bixi mayso in Al-Shabaab ay ku tilmaaman yihiin tilmaantii Khawaarijta oo aheyd Gaal-Daaye, Muslim-Dile? Waxaa kale oo cadeyn loo hayaa in Al-Shabaab aysan ka qeyb qaadan jirin dagaaladii lala galay Itoobiyaanka oo intii uu socday dagaalkii Muqdisho ay iyagu weerar ku ahaayeen Kismaayo, Baladweyn, iyo Guriceel sida ku cad taariikhda oo intaasba waxay qabsadeen xiligii uu socday dagaalkii muqaawamada ee Muqdisho looga saaray Itoobiyaanka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!