Muungaab oo riyo maalmeed ku tilmaamay tirkoobkii wasaarrada qorsheynta

by admin | Sunday, May 31, 2015

Muqdisho : HN :–Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax dhigay Suuqa Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, halkaasoo laga dhiso doono illaa 294 xarun Ganacsi.

Suuqan ayaa ah suuq weyn oo ay dhiseyo dowladda Hoose ee Xamar iyo Ganacsato Soomaaliyeed, waxaana uu qeyb ka yahay mashruuca dalkaada dhiso.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay dhagax dhigii suuqaas ayaa soo hadal qaaday tira-koobkii ay soo bandhigtaymuun-1 Wasaaradda Qorsheynta, isagoo si kulul u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray tira-koob aan sax aheyn oo laga sameeyay Gobolka Banaadir

“Anaga ayaa og dadka ku nool Gobolka Banaadir waana in wax nalaga weydiiyo, nin Saterlite saaran, ma oga Tira-koob , Xamar waxaa dagan 3-Milyan iyo 600 Kun oo Barakacayaal hadalka wasaarada waa Riyo Maalmeed mana Fasari naqaano Riyada Maalintii Sidaas darteed”ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in riyada ah in dadka ku nool Muqdisho ay gaarayaan hal Milyan iyo Bar aysan aheyn wax sax ah, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin, xataa hadii barakacayaasha lagu daray ay yihiin ay yihiin 1.7 milyan oo qof.

Ugu dambeyn Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay inay dhowaan soo bandhigi doono tira-koobka rasmiga ah, waxaana hadalka Guddoomiye Muungaab ku soo beegmayaa, xilli maamulka Puntland iyo maamulada kale ee Gobolada dalka ay ka soo hor-jeesteen tira-koobta ay todobaadkii hore soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!