Muun-gaab” Muqdisho 10-kii guriba qof ayaa mas’uul ka noqonaya

by admin | Friday, Jan 9, 2015

Muqdisho : HN :–Xassan Max’ed Xusseen Muu-gaab, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in sanadkaan 2015 Gobolka Banaadir uu ku yeesho albaab laga soo galo iyo albaab laga baxo.

Duqa Muqdisho ayaa intaa ku darray in qorshahaasi ay dhaqan gelin doonaa Maalmaha so socda si loogu guuleysto qorshaha Barnaamijka deriseynta iyo sugida amaanka Caasimada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir General Mungaab ayaa sidoo kale sheegay in 10-kii ama 20-kii guri uu yeelan doono qofIMG_D57067-075953-05BE1E-FCC696-2D2615-176021 masuul ka ah, oo la shaqeeya nin askari ah ama laba askari, si loo ogaado guri kasta dhaq dhaqaaqiisa, isla markaana loo ogaada guri walbo haddii ay wax ku soo kordhaan iyo haddii kalaba.

Waxa uu xusay in arrintaani ay ka qeyb qaadan doonto barnaamijka derisaynta oo lagu deriseynayo qoysaska ku nool Magaalada Muqdisho ayna sahlanaato in la sugo amaanka Caasimada Muqdisho.

Muungaab ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka reer Muqdisho in ay la shaqeeyaan Maamulada Degmooyinka iyo ka Gobolka isla markaana ad la soo xiriirtaan Ciidamada amaanka gaar ahaan Sldhiga kugu dhaw hadii aad aragtaan shaqsi lidi ku ah amaanka caasimada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!