Muungaab” baarlamaanka ma’aha intan ka badan in uu hortaagnaado howlaha xukuumada

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inuu ansixiyo Xukuumada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, taasoo ka kooban 20-Wasiir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in muddo 90 cisho ka badan ay wali socon la’yihiin howlihii Xukuumada, isla markaan adalku yahay xukuumad la’aan, isagoo xusay in taas aan la aqbali karin.

“Waxaa la marayaa sagaashan cisho iyo ka badan in howlihii Xukuumadda iyo adeegyadii laga rabay aanay socon, waxaa la dhihi karaa Xukuumad la’aan, intaas ka badan waa culeys, lama aqbali karo waa dhibaato, si gaar ah ayay Muqdisho dhibaato ugu tahay, maadaama ay xaruntii dalka tahay”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Muungaab ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumaddan cusub, si ay u guduto waajibaadka looga baahan yahayMuungaab1-170x114, isagoo xusay inay ka doonayaan in Xukuumaddu ay noqoto mid guuleysato.

“Baarlamaanka sharafta leh waxaa ka codsaneynaa inuu meel mariyo Xukuumaddan, waxaa ka dooneynaa inay noqoto mid guuleysata, mid umadan wax tarta oo ay Xukuumad tayo leh noqoto, intaas waxaa ka horeysa in baarlamaanka uu ansixiyo”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa 27-kii bishan soo magacaabay Gole Wasiiro ka kooban 20-xubnood oo aan ku jirin Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dowlayaal, waxaana lagu wadaa in maanta uu horgeeyo Baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!