Muungaab iyo gudoomiyayaasha gobolka Banaadir oo Dayniile ku shiray

by Yahye | Tuesday, Jan 13, 2015

Muqdisho: HN:- Kulankan oo ah mid todobaadle ah oo ay isugu yimaaday gudoomiyaasha degmooyinka iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa waxaa maanta markii ugu horeysay lagu qabtay xarunta degmada Deyniile ee gobalka Banaadir.

Inta uu kulankaasi socday ayaa waxaa looga hadlay sidii maamulka gobolka, maamulada degmooyinka iyo bulshada ay uga shaqeyn lahaayen bilicda iyo horumarka gobolka Banaadir si loogu diyaar garoobo shirarka caalamiga ah ee la filayo in lagu qabto magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo madaxda wadamada caalamka ee imaanaya dalka.

DeyniileKulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xussen (Muungaab),isagoo ka warbixiyay kulankaasi looga hadlayay.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir doowr muuqda ka qaadan doono sidii loo horumarin lahaa degmada Deyniile,islamarkaana dib u dayactir loogu sameyn lahaa wadooyinka degmadaasi.

Ugu danbeyntii waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir,isagoo sheegay in maamulka degmada uu ka faraxsanyahay in kulankaani uu ka dhaco xarunta degmada Deyniile,waxana uu u mahadceliyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!