Muungaab” Muqdisho wey ka dhamaatay guri danbe oo xoog lagu heysto

by admin | Tuesday, Sep 30, 2014

Muqdisho : HN :—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqisho Jen Xassan Max’ed Xusseen Muungaab ayaa sheegay in amaanka caasimada uu hadda marayo heerkii ugu wanaagsanaa muddo sanado ah.

Guddoomiyaha gobolka oo xalay ka hadllayay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya magaalada Muqdisho sidda uu hadalka u dhigay la soo noqon doonto maqaamkeedii hore, islamarkaana aysan jirin doonin dad xoog isaga heysta hanti dadweyne.

“Waa soo gaba gabeynay guryihii xooga lagu heystay, dadkooda ayaana faraha ka saarnay, is cafina waa ka dhacday, waxaa leenahay maanta Muqdisho kama jirto guri xoog lagu heysto”ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in magaalada ay ka jirto kaliya guryo la isku heysto oo la leeyahay anigaa leh iyo anigaa leh, isagoomuungaab tilmaamay inay socdaan howlo ay ku kala saarayaan, isla markaana cadaalada loo marayo.

Muungaab ayaa sheegay in adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada uu dib u soo laabanaya, dalkana ay dib ugu soo noqonayaan dadkii qurba-joogta ahaa ee ka qaxay dalka 20-sano ka hor.

“Waxaa Muqdisho ku soo laabanaya dadkii qurba-joogto, waxaa dib u soo laabanaya adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafada, jidadka oo la dhisayo, magaalada dib u dhis baa ka socda, shirkadihii shisheeye ayaa maal gashanaya”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu maamulka gobolka Banaadir u kala wareejiyay labo muwaadin guri mudo dheer lagu muran-sanaa, waxaana markii danbe guriga loo xukmiyay milkiilihii labaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!