Muungaab oo canshuur dul dhigay guryaha Muqdisho si wadooyinka loogu dhiso

by admin | Monday, Oct 12, 2015

Muqdisho ; HN; – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Muungaab ayaa sheegay gurigii aanan bixin canshuurta loogu talo galay in lagu dhiso wadooyinka magaalada siiba tan wadnaha in laga qaadi doono tallaabo adag.

Muungaab oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheega inay muhiim tahay qof kasta oo guri ku leh Magaalada Muqdisho in uu bixiyo Canshuurta laga doonaayo si magaalada dib u dhis loogu sameeyo.

Waxa uu Guddoomiyaha ku goodiyay gurigii aanan bixin canshuurta ee la waayo dadkii lahaa in Maamulka ay u furan tahay in uu iibiyo gurigaasi, kadibna laga qaado ganaax iyo canshuuraha laga doonaayo.

Canshuuraha waxaa laga qaadayaa guryaha, laakiin lagama qaadayo goobaha danta guud sida Goobaha Waxbarashada iyo goobaha caafimaadka.

“Aduunka sida badan canshuuraha guryaha waxaa loo asteeyaa meel ka mid ah magaalada, tusaale caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabo kale, laakiin anaga waxaan u asteenay oo kaliya dhismaha jidadka magaalada ” ayuu yiri Muungaab.

Dadka reer Muqdisho ayaa isweydiinaya canshuurta lacag intee la eeg ayaa la iska qaadi doonaa iyo waliba in aay noqon doonto canshuur joogta ah.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!