Muungaab oo qurbo jooga ugu baaqay inay soo noqdaan guryahooda burbursana dhistaan

by Yahye | Thursday, Jan 15, 2015

Muqdisho; HN;- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab aya qurbo joogta Soomaaliyeed ugu baaqay iney si deg deg ah ugu soo laabtaan Dalka isla markana ay dayactiraan guryaha burbursan ee ku leeyihiin Caasimada Muqdisho.

Mungaab ayaa Sidoo kale sheegay in bilicda Caasimada muqdisho ay ku xiran tahay in la dayactiro guryaha burbursan ee ku yaalla Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxa uuna xusay Mungaab in Shacabka reer Muqdisho ay badankooda dayactireen guryihii ay ku lahaayeen Caasimada Muqdisho balse ay meesha ka baxday Kaalintii qurbo joogta Soomaaliyeed ee guryaha ku leh Muqdisho.

Xasan Maxamed Xuseen Mungaab Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga Caasimada Muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo isla markaana ay muhiim tahay in qurbo joogta Soomaaliyeed ay ku soo laabtaan Dalkooda ayna ka qeyb qaataan hormarka ka soconaya Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab ayaa Shacabka Gobolka Banaadir ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay diyaarka ugu yihiin iney dhistaan Gobolkooda isla markaana ay ka qeyb qaataan hormarinta iyo adkeynta amniga Casimada Muqdisho.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa ku dadaalaya soo celinta bilicda Caasimada Muqdisho iyo sugida amniga Magaalada Muqdisho waxana hada Gobolka Banaadir ka soconaya howlo mashaariic oo fara badan sida naleynta iyo dayactirka Wadooyinka Magaalada Muqdisho, dhismaha iyo hormarinta Xarumaha danta guud.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!