Muungaab oo sheegay in la dhisayo wadooyinka Suuqa Bakaaraha

by admin | Sunday, Feb 1, 2015

Muqdisho: HN:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta ku dhawaaqay in la dhisaayo labo wado oo gasha Suuqa Bakaaraha.

Wadooyinkaan ayaa waxaa ka muuqda bur-bur xoogan, waxaana ay kala yihiin wadada Sayidka ka baxda ee Marta Shanta geed, kadibna toos u tagta Isgoyska Howlwadaag ilaa Isgoyska Baar ubax ee Degmada Howlwadaag.

Wadada kale ayaa waxa ay tahay wadada loo yaqaan Aadan Cadde.Muungaab

Mashruucaan laamiga lagu saarayo wadooyinkan ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Benaadir iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha, si loo soo celiyo bilicdii ay caasimaddu lahayd, waxaana bar bar socotay bur burinta dhismayaasha sharci darada ah oo ku yaala wadada hareeraheeda.

Wadooyinkan waxaanu u dhisi doonaa sida Walaalaha Turkiga ayuu yiri Muungaab, si bilicda magaaladu dib ugu soo noqoto.

Muungaab ayaa ugu dambeyn ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan mashruuca dalkaaga dhiso, si loo soo celiyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!