Muungaab: waan is casilayaa hadii wasaarada maaliyadu joojin weyso canshuurta sharci darada ah

by Yahye | Tuesday, Oct 14, 2014

Muqdisho; HN;- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sheegay inuu xilka iska casilaayo, hadii Wasaarada Maaliyada aysan joojin canshuurta sharci daradaa ee aay ka wada daafaha magaalada Muqdisho.

Muungaab, ayaa wuxuu sheegay in Koontaroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho iyo kuwa laga baxo dadka rayidkaa looga qaado canshuur, dhaqaalahaasina waxaa qaata Wasaarada Maaliyada meel eey geeysana garan meyno.

Dadkan masaakinta ee caanaha, qoryaha iyo dhagaxa keena magaalada ayaa wasaarada maaliyadu la dabataagan tahay canshuur waana qalad ayuu yiri Muungaab, isagoona raaciyey canshuuraha laga qaado dekeda iyo eeraboorka aay maamulkiisa ka soo gaarto wax ka yar 15%.

Sidoo kale duqa Muqdisho wuxuu sheegay in muddo dhan 4-bilood hadii Wasaarada Maaliyada aysan arintaan wax uga bedelin uu ka dagaayo kursiga uu ku fadhiyo ee ah duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in canshuuro badan laga qaado dadka reer Muqdisho, balse canshuurahaasi aysan waxba ku laheyn Gobolka oo wuxuu sheegay in Dowladii hoose ee Xamar ay noqotay waax kamid ah Wasaarada Maaliyada sida uu warka u dhigay Muungaab.

Dhinaca kale Muungaab ayaa sheegay in dawaan la qabanayo doorasho deegaanka gobolka Banaadir.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!