Muungaab; waan soo dhaweyneynaa mashaariicda iyo maalgashiga aay Turkigu ka wadaan Muqdisho

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Muqdisho; HN;- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo dhaweynaayo Hay’adaha Dowlada Turkiga iyo ganacsatada Dalkaasi ee Maalgashanayso Magaalada Muqdisho.

Muungaab ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan in Iskuulo iyo Xarumo Caafimaad oo waaweyn in ay ka hirgeliyaan Magaalada Muqdisho, Muungaab ayaa intaa ku daray in abaalka Dowlada Turkiga aan la ilaabi karin.

Mungaab ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha Gobolka Banaadir, waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in inta dhiman ay shacabka gacantooda ku dhameystirtaan.

Hadalkaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka sheegay Munaasabad Casho sharaf iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Wafdi ka socday Dowlada Turkiga kaasi oo xalay lagu qabtay Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa shalay balan qaaday in mashaariic kala duwan ay ka fulinayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!