Muuqaalka farshaxanka Soomaaliyeed oo la soo bandhigay

by admin | Saturday, Nov 1, 2014

IMG_8683Muqdisho : HN :– Farshaxanka ama Artiga Soomaalida waa qeyb ka mid ah hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, waxaana marka la eego farshaxka Soomaaliyeed lagu tilmaamaa kan ugu muuqaalka iyo wax soo saarka wanaagsan guud ahaa marka la eego dunida inteeda kale.

Bandhig ay soo qaban-qabisay hay’adda CRD oo lagu soo bandhigayay muuqaalka farshaxanka Soomaaliyeed iyo wax soo saarkiisa, ayaa ayna soo qaban-qaabisay hay’adda CRD ayaa shalay lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ilaa 30 farshaxaniiste Soomaaliyeed ayaa ku soo bandhigay Farshaxan ka turjumayay dhaqanka Soomaaliyeed, siyaasada iyo waxyaabihii laga bartay bur burkii dowladdii dhexe sida Burcad badeedka.

Bandhigan ayaa qeyb ka aheyd sidii Caalamka loogu soo jeedin lahaa dhaqanka iyo Farashaxanka Soomaaliyeed qiimaha uu leeyahay, waxaana gacan ka geysatay soo bandhigida sawir gacmeedyada gabar ka soo jeeda qoys ajnabi oo dhinaca farshaxanka caan ku ah.

Gabadhan oo lagu magacaabo Palmira Ciacciarelli ayaa aad u soo dhoweysay in Farshaxaniiste Soomaaliyeed inay soo bandhigaan sawir gacmeedyo layaab leh oo caalamka aad qiime ugu leh.

Intii ay socotay bandhigan ayaa waxaa dadka isugu jiray Soomaalida iyo Ajnabiga ay mid mid u iibsanayeen sawir gacmeedyada la soo bandhigyay ee ka turjumayay dhaqanka iyo siyaasada soomaaliya, waxaana uu gaaray ilaa xalay fiidkii, iyadoo dadkii iibsanayay iyo kuwii daawanayay ay aad ugu riyaaqeen habka loo sameeyay sawiradan.

IMG_8443Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa ka qeyb galay bandhigan Farshaxanka ahaa, sidoo kale Danjirayaasha Soomaaliya ku sugan ee dalalka caalamka u jooga ayaa qeyb ka ahaa.

Agaasimaha Xarunta cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD Jibriil Ibraahim Cabdule ayaa sheegay in farshaxanka uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadkii ka soo qeyb galay bandhigan ay la yaabeen in dad soomaaliyeed oo Muqdisho ku sugan inay sawiri karaan sawir gacmeedyo cajiib ah oo caalamka qiimo ka leh.

“Bandhigan waxaa loogu tala galay in lagu soo bandhigay dadka Soomaaliyeed ee wax sawira awoodooda aqooneed, oo runtii ka turjumaya dhaqanka, farshaxankana uu yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya Soomaalida”ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle Madaxa CRD.

IMG_8492Farshaxaniistayaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay bandhigan ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan bandhigyo caalami ah oo ka dhici doona magaalooyinka Toronto iyo London, taasoo fursad u siin doonta in Farshaxaniistaasha ay ku soo bandhigaan aqoontooda sawir gacmeed.

IMG_8590IMG_8488 (1)IMG_8448Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!