Muusanoowga Urur Beeleedka Sahal iyo Marmarsiinyaha Puntland. WQ. Cabdiraxiin H. Galayr

by Yahye | Thursday, Feb 7, 2013

Maqaal2Horta yaa la sugayaa? Soomaalidu maw diyaargarowdey inay is turxaanbixiso, muddaa la kulmayee  mala heshiiyey? ma laysu tanaasulay? Mise weli waxbaa noo  dhimman? Su’aalahani waa kuwo aan is weydiiyo laga yaabee Aqriste adiguna inaad is weydiiso.

Haddii la daalo, nasiino waa lama huraan.  Hadduu qof khasaarona, taxadar waa u lama huraan. Hadduu qof lumo  dal barasho iyo tilmaan raac waa u lama huraan. Haddii talo ku seegto, sixiddeedu waa lama huraan.

Maxaa iska bedelay Bulshadii Soomaaliyeed ee mudada dheer la daalaadhacaysay dhibaatooyinkii iyo aafadii dagaalladii sokeeye, ee magacyada iyo midabyada badnaa?.

Waxaa adduunka sooyaalkiisa aad ka baranaysaa qolo weliba wixii hore ugu dhacay inay ka samaysay horumar, kana dhigatey tabobar  sidii maahmaahda Soomaaiyeed odhanaysay: “Khasaaradaadu waa faa’iidaada Billowgeeda” “Talo xumo waa lagu tababartaa” Haddaba Umaddeena Soomaaliyeed ayaad mooddaa jidkii qodxaha badnaa, muddoba aan ku soo jirney, sooyaalkii qadhaadha, sahankii xumaa iyo sinsaarradii nagu dhacday, inaynaan wax ku qaaddan, oo weli u goomoon nahay, oon leenahay waxbaa noo hadhay.

Nin doqonnimo lagu xaman jirey ayaa xaabo badan soo gurtay, wuu qaadi kari waayey markaasuu intuu meel dhigay haddana mid kale dib u doontay. Waxaa ku soo baxay nin socota ah, markaasuu weydiiyey xaabada meeshuu u wado? Wuxuu u sheegay inuu ta halkaa hore taallo qaadi kari waayey oo rabo inuu  sii badsado wuxuu la yaabay garaad xumadiisa siin weyday;  war tii hore ayaad qaadi kari weydee iska dhin, ee uu mid kale la soo xamuuran yahay “Illeyn Doqonimo qiiq kama kacdee daammankay meermeerisaa!ninkaas iyo umaddeena qaarkood isu qaab ekaa!!

Haddaan usoo dego dulucda qormadeyda ayaa ah in muddooyinkan warbaahinta aad ka daalacanaysay, qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed oo taagan dariiqii jabhadihii ku dhisnaa beelaha 1978dii soo billowdey maanta oo ay goorta aynu joognaa tahay, 2013kii. Waxaaynu joognaa caalam la kala miirmay oo umad hagaastay oo aan Soomaali ahayni jirin, laysma weydiinayo maxaa sidan inoo galay oo diifta iyo darxumada ina baday, ee kii waxbartey iyo kii wax oggaa labadiiba Alle kuma anficine waxaay noqdeen dad aan waxba ku qaadan maalmihii madoobaa iyo meertadii la soo maray!

Aan ku horreeyo ururka SAHAL. Waa urur ay ku bahoobeen Beelo Soomaaliyeed oo dhawaan ay uga dhawaaqeen qaar ka mida qurba joogta qaxoontiga ku tagtay waddamada reer galbeedka ee ku dayacan iyaga iyo ilmahoodu. Urur beeleedkan ha la aasaaso  hana la sameeyo ma xumee,  maxaa loo sameeyey? Yaase sameeyey? Ujeedadiisu maxay tahay, aan isku soo wada duubee waa maxay SAHAL? Magaca SAHAL ayaa Kulminaya Shan beelood oo laysku yidhaahdo Daarood waana kan macnaha Ururka:

Macnaha Magaca  SAHAL:

S= Sadde Daarood (Mareexaan)

A= Absame (Ogaadeen iyo Adeerkiis)

H= Harti (Harti Daarood)

A= Awrtable

L= Laylkase

Ururkan SAHAL ayaa ah urur ku salaysan Qabyaalad iyo inuu xamaasad iyo xasarad cusub ka dhex oogo bulshada Soomaaliyeed ee 22ka sano dowlad la’aanta iyo dagaallada sokeeye daashadeen. Waxaa kaaga sii darane ragga ururkan aas aasay maaha kuwo jooga ama tagaya waddankii oo wax ka qabanaya, ee waa niman Fadhi ku dirir iyo munaafaqad la fadhiya  warbaahinta. Waxaad ka dheehanaysaa Muuqaalkooda iyo doodahooda, laba arrimood, waxaanu nahay Daarood iyo waxaa naga maqan Guryo ku yaala Muqdisho. Haddii aad shaqsiyan u weydiiso Muqdisho adigu ma Guri baad ku lahayd, aan kula raadiyee hadday wax kaa maqan yihiin? Wuxuu kaaga baxayaa, dadkuba waa lahaa iyo hebel ayaa guri lahaan jiray. Haddaad weydiiso hebelka laftiisa adeerkiis ah meeshuu ku lahaa wuxuu kuu sheegayaa intan oo Qaybood midkood:

1.African Village

2. Shiirkole

3. Bangaariya

4.Afisyoone

5.Xamar Bile (If iyo Aakhiro)

6.Caymiska

Iyo Guryo badan oo dowladdu iska lahayd shaqaalaheeda iyo hawlwadeennada dowladdu  deganaayeen. Meelaha kale nin walba waa loo yaqaan gurigiisa waxaana jooga dadkii xaafadda, xitaa isaga oo aan Garsoor marin ayaa wuxuu helayaa Markhaati haddii uu lahaa. Waxaana  Muqdisho degaanaa Soomaali oo dhan, arki maysid beel aan ahayn beelaha la baxay Magaca SAHAL Maahine, beel kale oo leh dhulbaa xoog nalooga haystaa iyo hanta baa naga maqan! “Halbaa geela cuntoo cabaadda” ayaan maqli jiray. SAHAL waa qaabkaas.

Haddaba waxaa halkan kaaga muuqata in qarnigii 21aad ay jiraan rag sheeganaya Aqoonyahan  aan idhaahdo Hal aqoon oo u fekeraya qaabkii loo fekerayey qarnigii 16aad ama 17aad ee Reer guuraaga, laysuna kaashan jiray beelaha. Hadda Jabhadihii way ka xishoodeen inay Magacooda ku ladhaan  magac beeleed iyagoo ku dhisnaa qaab beeleed ayay haddana waxay dhammaantood ku isir sheeganayeen Soomaalinimo. Ururkan ayaa ah urur had iyo gooraale, Muusanoow iyo Tolaay la dhex taagaan warbaahinta sida telefishinada waxaadna halka hoose ka Bogan kartaa qaabka uu hadlayaan ragga Hoggaanka u ah ururka SAHAL  hoos ka daawo Muuqaalka Hoose.

http://www.youtube.com/watch?v=bhGdUpeqV9Y

Waxaa sidoo kale aan dhihi karnaa waxaa maradu ka dhacday Madaxa Maamulka Puntland oo muddaba soo dhitinayey inuu kala dhantaalo midnimada umadda Somaaliyeed, ayaa markuu waayey qaab kale uu ku muujiyo dareenkiisa uguna  dhawaaqo, inuusan ku faraxsanayn hannaanka dowladeed ee ka soo bidhaamay dalka Soomaaliya,ayaa warbaahinta ka sheegay  inay Go’ayaan isaga iyo maamulkiisu kuna Darsan Doonaan Reer Somaliland waaba haddey ka aqbalaane Wuxuu yidhi halkan ka dhegayso.

http://horseedmedia.net/2013/02/01/faroole-somaliland-aanu-wada-hadalno-oo-aan-heshiino-laga-yaabee-inaan-isla-goano/

in kastoo ay Somaliland qaar ka mida Xisbiyadooda siyaasadeed jawaab ka bixiyeen Sida Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe halkan ka dhegayso. http://www.shaaciye.com/?nid=28928

Haddana Madaxa Maamulka Puntland si badheedh ah ayuu uga soo horjeestay Nidaamka maanta jira, wuxuu sheegay hamiga ku jira inuusan ahayn mid ah inay Soomaali wax la wadaagan. Mudane Faroole wax badan ayaa hadalkiisa laga dhadhansaday inaan Soomaalinimo ku jirin, waxaa ka dhex guuxayaana beel yihiin, balse tani waxay daaha ka qaadday waxii dabaqu saarnaa ee mudo daboolka la saarayey.

Magaala xeebeedka Kismaayo, oo ah Xarunta Jubbada Hoose ayaa waxaa muddooyinkan deganaa Jabhadda Raaskambooni, Maleeshiyo Beeleed  ay isku Abtirsiimo yihiin iyo Ciidamada Kenya oo wada shaqayn  gaar ahi ka dhaxayso. Ilaa iyo mudadii Jabhadani soo gashay Gobolkaas, waxaa socday olole cod dheer ah oo loogu magac daray Jubbaland! Haddana Magaca Jubbaland waaba dhul Soomaaliyeed waxaa sheegtay beel gaar ah, in kastoo ay jirto inay deegaanka beeshaasi wax ka degto haddana waxay degtaa 21% Beelaha Sade iyo Absame. Waxaa jirta muddo laga joogo 60 sano iney halkaas degaan dadyoow ka soo jeeda Gobolka Bari ee Soomaaiya. Halka  Degmada Afmadoow ay degeen dadka Reer gaarisa muddo laga Joogo 50 sano. Waxaana degan Deegaanka Jubbooyinka, Beelo Soomaaiyeed sidan ayaana loo degan yahay, eeg shaxda hoos ku qoran.

1.Beelaha Hawiye 2.Beelaha Raxanweyn 3.Beelaha Direed 4.Beelaha Shanaad 5.Beelaha Daarood
Gaaljecel Garre Biyomaal Cawra maleh Mareexaan
Shiikhaal Jiiddo Qubays Giir giir Ogaadeen
Mudulood IKK  IKK Jareer Harti
Xawaadle Baajuun
Digoodi Reer xamar
Ajuuraan Carab
Madarkicis     IKK
Murursade

 

Haddaba Aqristoow, Jubbooyinka ma beel ayaa degta mise waxa degan beelaha Soomaaliyeed oo dhan? Jubbooyinku ma Kismaayo, Afmadow iyo Badhaadhaa, mise waa deegaankaa ballaadhan? Labada Gobol ee Jubbooyinka goorma ayay gooni u yeesheen Beelaha Ku bahoobay SAHAL? Nimanka sheeganaya Jubbooyinka ee leh waxaa diidan Dowladda Soomaaliya in maamul laga sameeyo ma gar ayuu u leeyahay inuu maamul Kenya dabada ka riixaysa samaysto mise maya? Ma jiraa maanta deegaan Soomaaliyeed oo lahaanshiiyihisa iyo deganaanshihiisa Muran ka taagan yahay? “Saca naasa adag iyo warranka maxaa kulmiyey?” Jubbooyinka iyo IGAD maxaa isku maray? Maxaa Dowladda Maamulka loogala cararayaa?VMa jiraa beel kale OO deegaankeeda xoog uga qaadi kartaa? Haddii SAHAL dhul lagu haysto maxaa loogu qabsan waayey, Puntland, iyo Degmooyinka kale ee Beelaha SAHAL ku bahoobay ee ay degan yihiin? Tusaale waxaa inoogu filan duullaamadii beelaysnaa ee 1991 ee anigaa xoreystay ninna  dhul uu leeyahay cidi muran kama gelin karto.

Ugu danbayn. Waxaan leenahay SAHAL faraskaagi laga badi! Casrigii waaweray iyo tollaayeyna waa laga baxay ee  ninkii guri laga haystaa Garsoorka ha tago. Ninkii Gobol laga qaadayaana deegaanka uu ku leeyahay ha soo bandhigo. Ninkii beelnimo wax ku doonayaana, Ugaasyadiisa haw tago. Dowladda waa la wada leeyahay beel gaar ahi ma laha, hadhcad ayaana wax la qaybsaday, Xildhibaanno is le’eg, Wasiirro is le’eg iyo Saami qaybsi dhinac walba leh ayaa lagu dhisay Dowladda.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Like it? Share it!