Nabadood Xaad” mooshinka waa mid lagu dhaawacayo dowladnimada

by admin | Tuesday, Aug 25, 2015

Muqdisho : HN — Guddoomiyaha gollaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye nabadoon Max’ed Xassan Xaad ayaa sheegay in mooshinka laga keenay madaxweynaha yahay mid la doonayo in lagu dhaawaco sidda uu hadalka u dhigay dowladnimada.

“Waxaan ogaanay in mooshinka uu ku saleysan yahay afar qodob oo kan koowaad uu yahay in lagu dhibaateynayo dowladnimada iyo geedi socodka nabada, in dibada laga soo abaabulay, in uu qabiileysan yahay oo maamul goboleedyada dalka ka jiraxaad qaarkood ay wax ka abaabuleen, taas ayaa ogaanay oo aan xaqiijinay”ayuu yiri Max’ed Xassan Xaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mooshinkan sidoo kale laga leeyahay danno gaar ah oo ah xil iyo xoolo doon, waxaana uu xusay in haddii la sii wado ay keeni karto dib u dhac ku yimaada dowladnimada sida uu yiri.

“Waxaan wal wal ka qabnaa in sidii 2012 dhacday oo kale markii Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow ay labo guddoomiye baarlamaan noqdeen”ayuu yiri Nabadoon Max\ed Xassan Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu dulqaadka ka dhamaatay, isagoo uga digay in xubnaha mooshinka wada hadii aysan ka noqon ay shacabka mooshin ka keenayaan, maadaama rabitaanka shacabka oo ah qof iyo cod ku imaan sida uu yiri.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa wali la yaalla mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, taasoo ay qabteen 12-kii bishan, iyadoo aanu wali Guddoonku go’aamin xilliga la horgeynayo Baarlamaanka, waxaana dhowaan dib loo dhigay xiritaanka kalfadhiga lixaad oo ku beegneyd 27-ka bishan, inta laga maareynayo mooshinka Madaxweynaha ka yaalla.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!