Nabadoon C/risaaq Cismaan Oomo oo maanta lagu calleemo saaray magaalada Beledweyne

by admin | Thursday, Jan 8, 2015

DCIM101MEDIABeledweyne : HN :– Beesha Max’ed Cali oo ka mid ah beel-weynta Xawaadlle ayaa kulan mudo dheer ay ku lahaayeen magaalada kaddib waxaa ay maanta calleemo saareen nabadoon C/qaadir Cismaan Nuur [Oomo] oo noqonaya nabadoonka guud ee beesha, sidda ay sheegeen waxgaradkii iyo odayaashii kulanka ka qeyb-gallay.

Yuusuf Axmed Xalane oo ka mid ahaa waxgaradka beesha calleemo saartay oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay nabadoonka uu ka soo dhaxbaxay kulamo iyo wadatashi mudo dheer u soo socday waxgaradka beesha.

DCIM101MEDIASiddoo kale nabadoon Rayid Idhooy Nuur oo munaasabada ka qeyb-gallay ayaa kula dardaarmay nabadoonka cusub in uu noqdo mid isku keena bulshada gobolka oo idil, kana shaqeeya nabada iyo maslaxada guud ee umadda.

Nabadoonka cusub ee maanta la calleemo saaray C/qaadir Cismaan [Oomo] oo madasha ka hadllay ayaa sheegay in uusan aheyn kaliya nabadoonka beesha calleemo saartay, laakiin uu yahay sidda uu hadalka u dhigay nabadoon reer Hiiraan ah, islamarkana uu ka shaqeyn doono nabad-galyada iyo hormarka bulshada.

DCIM101MEDIADhamaan qeybihii kala duwanaa ee bulshada ka qeyb-gashay munaasabad ayaa si isku mid ah u soo wadda dhaweeyay calleemo saarka nabadoon C/qaadir Cismaan oo ay ugu duceeyeen in uu Alle la garab gallo howsha loo idmaday.

DCIM101MEDIADCIM101MEDIADCIM101MEDIADCIM101MEDIADCIM101MEDIADCIM101MEDIADCIM101MEDIAHiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!