Nabadoon goor dhaw lagu dillay magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Jun 22, 2015

Beledweyne : HN :– Koox dhalinyarro ah oo ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhaw waxaa ay magNabadoon-Xasan-Oogaalada Beledweyne ku dilleen Alle ha u naxariisteen nabadoon Xassan Aadan Ibraahim [Xassan Oog]

Nabadoonka ayaa la toogtay waqti leysku diyaarinayay afur xili uu ku sii jeeday gurigiisa, waxaana ay goob joogayaal sheegeen in dhalinyarrada toogatay markiiba goobta isaga carareen.

Howl-gal ay sameeyeen ciidammada nabad-galyada ayaa lagu soo qabtay dad la tuhusan yahay, waxaana ay hadda ku xirran yihiin xarunta nabad-sugida magaalada Beledweyne.

Marxuumka dhintay ayaa ka sokooow in uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka magaalada, waxaa uu dhinaca kale la dhashay Duqa magaalada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow.

Dilka ayaa imanaya xili maalin ka hor rag bastoolado ku hubeysan ku dilleen meel aan gurigiisa ka fogeyn nabadoon Muumin Barre.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!